2022 FIFA World Cup

Manchester City oo qarka u saaran inay wadahadalo qandaraas kordhin ah la furto Erling Haaland

22-sano jirkaan ayaa jabiyay rikooro badan tan iyo markii uu yimid garoonka Etihad xagaagii hore wuxuuna dhaliyay 50 gool xilli ciyaareedkan kulankii Premier League ee shalay 2-1 kaga adkaadeen kooxda Fulham.

Laacibkii hore ee Borussia Dortmund ayaa horay u jabiyay rikoorka goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed laga dhaliyo Premier League, waxaana gool-kulaadkii uu ka dhaliyay kooxda Fulham ay ka dhigan tahay goolkiisii 34-aad ee horyaalka Premeir league, xilli ciyaareedkan.

Haaland ayaa sidaasi ku jabiyay rigooradii Alan Shearer iyo Andy Cole goolashii ugu badnaa ee Premier League hal xilli ciyaareed muddo sanad ah, taasoo Man City ku soo celisay hoggaanka horyaalka iyadoo Arsenal booska kala baxday.

Inkastoo xiddiga reer Norway heshiis shan sano ah xagaagii hore u saxiixay kooxda Man City, majaladda Football Insider ayaa sheegtay in Man City ay haatanba qarka u saaran tahay inay ka hadasho kordhinta qandaraaska Haaland illaa 2029.

Markii uu 52.6 milyan ginni kaga yimid Dortmund xagaagii hore, Haaland ayaa la rumeysan yahay in 150 milyan ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa, waxaana kooxo badan ay u arkaan fursad ay kula saxiixan karaan 2024.

Kooxda Real Madrid oo horey u dooneysay ayaa lala xiriirinayaa iney soo cusbooneysiiso hishiiska ay ku dooneyso Haaland waxaana ay taasi keentay in kooxda Man City ay durbo hishiis kordhin cusub hor dhigto Haaland.

Haaland ayaa dhaliyay 50 gool 44 kulan tartamada oo dhan ah, sidoo kale wuxuu  caawiye ka noqday laba gool uu ka caawiyay saaxiibkiisa Kevin De Bruyne kulankii ay 4-1 kaga adkaadeen habeenkii Arbacada kooxda Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa laga yaabaa inay si ku meel gaar ah ugu soo laabato hoggaanka horyaalka Premier league, haddii ay ka adkaadaan kooxda kooxda Chelsea habeenka Talaadada, laakiin Gunners ayaa ciyaartay kulamo  ka badan Man City.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button