Inter Milan oo diyaar u ah iney dhageysato dalab uga yimid kooxda Manchester United.
Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso iney dhageysato dalabyada ugu imaanayo Man United ee ku aadan weeraryahanka reer Argentiin Lautaro Martinez ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laacibka reer Argentina ayaa kamid ah xiddigaha la gaaray afar dhammaadka Champions League xilli ciyaareedkan, kooxdiisa Inter Milan inkastoo kooxda Simone Inzaghi ee ku jirto kaalinta afaraad ee Serie A, Martinez ayaa dhaliyay 17 gool oo horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan dhammaadka ku dhaw.
Tababarha kooxda Man United Erik ten Hag ayaa lagu qasbay inuu raadiyo weeraryahan cusub xagaagan, iyadoo kooxda Old Trafford ay amaah ku keensatay Wout Weghorst oo Burnley ka yimid kaasoo aan saameyn weyn ku yeelan weerarka kooxda.
Sida laga soo xigtay Football Insider, Inter Milan ayaa dhageysan doonto dalab kasto oo lagu iibinayo weeraryahanka reer Argentin Lautaro Martinez suuqa kala iibsiga xagaagan.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in United ay u aragto 25-sano jirkaan beddelka dooqa koowaad ee Harry Kane, iyadoo weeraryahanka Inter la sheegay in lagu heli karo ku dhawaad 70 milyan ginni.
Tababarha kooxda Man United Erik ten Hag ayaa u arko ku guuleystaha Koobka Adduunka weeraryahanka saxda ah ee ku haboon kooxda Man United, kaasoo awood u yeelan kara inuu hoggaamiyo weerarka Man United.
Red Devils ayaa habeenka Khamiista isku dayi doonta inay qaado tillaabo kale oo ay ugu soo bixi karto Champions League marka ay u safraan kooxda Brighton & Hove Albion kulan ka tirsan horyaalka Premier league.