Xulkeenna qaranka Soomaaliya ee da’yarta oo caawa ciyaaraya kulankoodii labaad ee koobka qaramada Africa
Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-sano ayaa caawa ciyaari doona kulankoodii labaad ee tartanka koobka qarammada Afrika kaasoo si habsi leh uga socda dalka Algeria.
Wiilasheenna da’yartu waxa ay tartanka ku billowdeen guuldarro 2-0 ah oo ay kala kulmeen xulka marti gelinaya tartanka sanadkan ee Algeria, inkastoo ay garoonka gudihiisa ku soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.
Xulkeenna Soomaaliya ee 17-sano jirada ayaa caawa 10:00 habeennimo xilliga geeska Africa la ciyaari doona dhiggooda Congo, waxaana labada xulba ay ciyaarayaan kulankoodii labaad.
Soomaaliya iyo Congo ayaa mid waliba waxa uu doonayaa inuu caawa gaaro guushiisii ugu horreysay kaddib markii ay labadoodaba guuldarrooyin ku furteen tartanka, da’yarteenna waxaa 2-0 uga badiyey Algeria, halka Congo ay guuldarro 1-0 kala soo kulmeen Senegal.
Tabaraha xulka Soomaaliya Nuur Amiin iyo ciyaaryahan Abdi’aziz Bahor oo ka hor kulanka hadlay ayaa sheegeen in kulankan natiijada ay u soo galaanba ay tahay kaliya guul, Soomaaliya si ay u soo baxdo waa inay badiso labada kulan ee u horay, iyadoo isha ku haynaysa sida uu kusoo dhammaado kulanka Algeria iyo Senegal oo rajada wacani ay tahay inay barbaro galaan.
Natiijada kulanka iyo wararka xulka qarankaba kala soco Astaan Sports.