2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Muxuu Macallinka da’yarta Soomaaliya ee Nuur Amiin ka yiri kulanka caawa ee Congo?

Macallinka xulka qaranka ee 17-sano jirrada Soomaaliya ee Nuur Amiin ayaa ka hadlay kulanka xulkeennu caawa la ciyaari doono dhiggiisa Congo ee ku tirsan wareegga labaad ee koobka Afrika.

Xulkeenna qaranka Soomaaliya ayaa caawa doonaya inuu dib ugu soo laabto waddada guusha kaddib markii ay ku furteen tartanka guuldarro ay kala kulmeen marti geliyeyaasha tartanka ee Algeria.

Sidoo kale xulka Soomaaliya la ciyaaraya caawa ee Congo ayaa qudhooda guuldarro ku billowday tartanka, waxaana ay doonayaa inay guul helaan kulanka ay ka horjeedaan da’yarteenna.

Haddaba tababare Nuur Maxamed Amiin ayaa wax laga weydiiyey kulanka caawa ay la ciyaari doonaan dhiggooda Congo, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Insha Allaah kulanka labaad waxa aan ciyaari doonnaa ciyaar fiican.

“Inkastoo xiddigahaygu aysan haysan qibrad fiican oo heer sare ee Afika ah, maadaama aan waqti dhow soo doortay oo aysan tababar badan qaadan, kulankii hore, xulka Algeria waa xul fiican maxaa yeelay xiddigahoodu waxa ay haystaan kalsooni kubadda cagta ah.”

“Kulanka Congo hadduu ilaahay idmo waxa aan ciyaari doonnaa ciyaar nidaamsan, kubbad fiican, sidoo kale waxa aan tallo saaran doonaa Eebbe, insha allah waxa aan haystaa kalsooni ah in aan badin doonno kulanka” ayuu hadalkiisa ku sii daray tababare Nuur Amiin.

Astaan Sports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button