2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaPremier LeagueWararka

Miyay u kala dhammaatay Kooxda PSG iyo Lionel Messi?

Kooxda PSG ayaa shaqada ka joojisay Weeraryahankeeda Leo Messi, waxaan eegi doonnaa waxa ay isku maageen Messi iyo PSG, sababta keentay in laga saaro liiska xiddigaha kooxda.

Ganaaxii kooxeed ee waayihiisa oo ku dhacay Messi, sababta uusan ugu noqonayn Barcelona iyo kooxaha kale ee doonaya.

Miyuu Messi, Cristiano Ronaldo horyaalka Sucuudiga kala garab ciyaari doonaa dalka Sucuudiga? Waxyaabahaas oo idil ayaan ku eegi doonnaa warbixintan.

Kabtanka xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda PSG labada toddobaad ee aaddan, kaddib markii uu fasax la’aan ku tegay waddanka Sucuudiga, xilli ay kooxdiisu la murugaysan tahay guuldarro soo gaartay.

PSG ayaa guuldarro 3-1 ah kala kulantay kooxda Lorient, laakiin guuldarradaasi kaddib Xiddigooda Lionel Messi ayaa u duulay dalka Sucuudiga isagoo aan ku wargelin kooxda reer France.

Messi ayaa si lama filaan ah ugu duulay dalka Sucuudiga, iyadoo ay wehelinayaan xaaskiisa iyo carruurtiisa, waxaan uu la kulmay wasiirka dalxiiska ee dalkaasi Sucuudiga.

Si dhab ah looma oga sababta uu Lionel Messi u aaday dalka Sucuudiga, balse waxaa lagu soo koobay inuu yahay dalxiis uu u raacay qoyskiisa, yeelkeede, qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegaysa inay jiraan warar sheegaya in laacibku uu wadahadallo la soo yeeshay naadiga Al Hilaal ee dalkaasi.

Warbaahinta RMC Sports ee waddanka Faransiiska ayaa xaqiijisay in Lionel Messi lagu riday ganaax lagaga joojiyey tababarka iyo ciyaaraha kooxdiisa PSG labada todobaad ee soo aaddan, taasoo ka  dhigan inuu maqnaan doono ugu yaraan labo ka mid ah afarta ciyaarood ee ka harsan dhammaadka xilli ciyaareedka.

Waxaa macquul ah sida wararka qaar sheegayaan in Lionel Messi ayba suurogal tahay in uusan mar dambe xiran doonin maaliyadda kooxda Paris Saint-Germain oo ay u kala dhammaatay, isla markaana sidaas kaga tagi doona kooxda faransiiska, maadaama uu qandaraaskiisu ku eg yahay dhammaadka fasal ciyaareedkan.

Waxa uu noqonayaa ganaaxiisii ugu horreeyey ee ku dhaca Lionel Messi oo ay kooxi ganaaxdo.

Dhinaca kale Suxufiga ciyaaraha ka faallooda ee Fabrizio Romano ayaa warinaya haatan in Leo Messi uu ka tagi doona kooxda PSG dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Caasimadda Faransiiska uu ku qaatay waxa uu dhaliyey 11 gool 34 kulan oo uu u saftay PSG, balse xilli ciyaareedkiisii xigay waxa uu dhaliyey 20 gool 37 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Paris.

Messi ayaa intii uu joogay PSG waxa uu la kulmay niyad-jab dhanka UEFA Champions League ah, waxaana kooxdiisu ay ku guuldarreysatay inay dhaafto wareegga 16-ka labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Ku guuleystaha koobka Adduunka ee Lionel Messi ayaa la la xiriirinayay inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore ee Barcelona, balse qubarada ciyaaraha qaarkood ayaa rumeysan in Barcelona uusan dib ugu laaban doono sababtuna waxa ay leeyihiin waa dhaqaale xumo.

Sidoo kale Messi waxaa la la xiriirinayaa horyaalka MLS-ka Mareykanka gaar ahaan kooxda Inter Miami, waana suurogal inuu halkaasi u dhaqaaqo.

Waxaa kale oo macquul ah inuu Messi uu Cristiano Ronaldo kala ciyaaro horyaalka Sucuudiga, waxaana la warinayaa in dalka Sucuudigaba uu u tagay inuu heshiis la gaaro kooxda Al-Hilal oo sanadkii mushahar ahaa u soo bandhigtay adduun dhan 400 milyan oo euro.

Inkastoo loo badinayo inuusan dib ugu soo laaban doono kooxda PSG, haddana waxaa la isweydiinayaa haatan Messi la ganaaxye maxaa xigi doona?

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button