Ivan Toney oo laga ganaaxay kubbadda cagta muddo sideed bilood ah maxay tahay sababta?
Weeraryahanka Brentford Ivan Toney ayaa laga ganaaxay kubbadda cagta muddo sideed bilood ah kaddib markii lagu helay jabinta sharciga sharadka ee xiriirka kubbadda cagta FA-ga Ingiriiska.
Ivan Tony ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 50,000 oo gini waxaana looga digay in tani ay sameen karto mustaqbalkisa kubbadda cagta ee ku aadan jebinta xeerarka sharadka FA-ga.
27-sano jirkaan waxa uu ku soo laaban karaa tababarka Brentford afar bilood ka hor inta aanu dhammaan ganaxiisa 17-ka Sebtember 2023, hase yeeshee looma ogolaan doono inuu dib u ciyaaro illaa 17-ka Janaayo, 2024.
Ciyaartahanka ayaa bartiisa Instagram-ka ku sheegay inuu ka niyad jabay” xukunka, oo uusan wax faallo ah ka bixin doonin illaa Guddiga Madaxbanaan ee Sharciyeynta ay ku dhawaaqaan sababaha keenay ganaaxa oo faahfaahsan.
Faallo dheeri ah kama bixinayo xilligan aan ka ahayn inaan u mahadceliyo qoyskeyga iyo saaxiibadeyda, Brentford FC iyo taageerayaasheenna sida joogtada ah noo garab istaagay.
Jebinta sharciga sharatka FA-ga ayaa Ivan Toney lagu helay intii u dhaxeysay 25-kii Febraayo 2017 illaa 23-kii Janaayo 2021, xilligaasoo Toney uu u soo ciyaaray kooxaha kala ah Scunthorpe United, Wigan Athletic, Peterborough United iyo Brentford.
Tony ayaa dhaliyay 20 gool 33 kulan oo uu saftay Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo ka caawiyay Brentford inay soo gasho kaalinta sagaalaad ee kala sareynta horyaalka Premier league.
Waxa uu seegi doonaa kulanka Brentford ay u safrayaan Tottenham sabtida iyo maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka oo ay gurigooda kula ciyaari doonaan hoggaamiyayaasha horyaalka Manchester City 28-ka May.
Brentford ayaa sheegtay in sugayaan go’aanka FA-ga ee ugu dambeeya ee la xiriirta kiiskan lagu ganaaxay Ivan Toney.
Toney ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee England isagoo beddel ku soo galay ciyaartii isreeb-reebka Euro 2024 ay 2-0 kaga adkaadeen Ukraine bishii March, isagoo helay wicitaankiisii ugu horreeyay ee xulka uu maamulo Gareth Southgate bishii September ee lasoo dhaafay.