Maaliyadda Man City oo aan laga soo muujin doonin calaamadda Champions League xitaa haddii ay ku guuleysato!
Tani waxa ay niyad-jab ku tahay taageero walba oo u sacab tuma kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Manchester City.
Jamaahiirta kooxda Manchester City ayaa haatanba ku riyoonaya inay markoodii ugu horreysay taariikhda ku guuleystaan koobka horyallada Yurub ee Champions League.
Man City ayaa hal kulan u jirta inay ku guuleysato tartanka Champions League, balse waxa ay ku qasbanaan doonaan inay 10-ka bishan June kooxda Inter Milan ku garaacaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaddib markii ay afar dhammaadka tartankan ku soo dubteen Real Madrid oo ay lugtii labaad uga adkaadeen 4-0 isla markaana ay cel-celis ahaan labada lug ku soo dhaafeen 5-1.
Marka ay kooxuhu ku guulaysteen Champions League waxaan hore u arki jirnay inay xirtaan oo ay funaanaddooda ka soo muujinaa calaamad gaar ah oo lagu garto inay ku soo guuleysteen Champions League xilli ciyaareedka xiga, yeelkeede Man City kama mid noqon doonto kuwa nasiibkaa leh.
Sababtu waxa ay tahay in kooxaha ku guuleysta koobka horyaallada Yurub hal mar taariikhdooda uma qalmaan inay calaamadda UEFA Badge ka soo muujiyaan maaliyaddooda.
Xilli ciyaareedkii 2000/2001 ayaa la bilaabay in calaamadda UEFA Badge kooxaha loogu dhegjiyo maaliyaddooda, waxaana kooxaha loo ogolaanayo ay yihiin kuwa shan goor ku guuleystay tartammada Yurub ama saddex jeer oo xiriir ah qaaday, kooxaha isreeb-reebka ka soo baxay oo loo ogolaaday ayaana kala ah; Barcelona, Liverpool, Ajax, Bayern Munich, AC Milan, Real Madrid iyo Sevilla oo wacdaro ka dhigtay Europa League.
Inkastoo ay waayi doonaan calaamaddaas haddii ay ku guuleystaan xitaa Champions League Sabtida, haddana taageerayaasha Man City ayaa weli ku farxi doona inay ku guuleysteen saddexleey taariikhi ah haddiiba ay dhacdo inay hantaan koobka horyaallada Yurub.
Kooxda Tababare Pep Guardiola ayaa hal guul u jirta inay hanato saddexleey koobab ah, kaddib markii ay Arsenal kaga adkaadeen kal ciyaareedkan horyaalka Premier League markoodii saddexaad oo xiriir ahna ku guuleysteen horyaalka.
Sidoo kale waxa ay ku guuleysteen tartanka faca-weyn ee FA Cup oo ay ka soo qaadeen kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United, isla markaana uga soo adkaadeen 2-1 kulankaasoo ka dhacay garoonka Wembley 3-dii bishan June.
Astaan Sports