2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Waa maxay sababta Messi loogu diiday in uu galo dalka Shiinaha?

Weeraryahanka isaga tagay kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa lagu celiyay xuduudka dalka Shiinaha kaddib markii uu ku safray baasaboor aan sax ahayn.

Messi ayaa u safray magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, isagoo ay wehliyaan ilaaladiisa iyo qaar ka mid ah saaxiibbadiisa oo uu ka mid yahay xiddiga xulka qaranka dalka Argentina ay ka wada tirsan yihiin ee Angel Di Maria ka hor ciyaarta saaxiibtinimo ee xulka heysta Koobka Adduunka la leeyahay xulka qaranka Australia khamiista nagu soo fool leh.

Si walba ha ahaatee, markii uu caasimadda Shiinaha soo gaaray waxaa Messi ka hor yimid saraakiil ka tirsan ciidanka xuduudda, kuwaasoo aanan ku farxin baasaboorka uu adeegsaday kabtankii hore ee kooxda Barcelona.

Sida ay baahineyso saaxafadda dalkaas, arrinkan ayaa yimid kaddib markii uu Messi ku soo safray baasaboorka Isbaanishka ah halkii uu isticmaali lahaa baasaboorkiisa dalkiisa Argentina.

Waxa uu Messi moodayay in dal ku gal la’aan lagu tagi karo Shiinaha, waxaana uu ku safray baabasboor Spanish ah oo aan Visa la’ahayn maadaama hadda ka hor uu Taiwan ku tagay dal ku gal la’aan.

Waxaa la rumeysan yahay in 35-sano jirkaan ayaa moodayey Taiwan inay qayb ka tahay dalka China, waxaana la maqlay isagoo leh “Miyeysan Taiwan ahayn China?”

Intaas kaddib markii saraakiisha xuduudaha lagu war geliyay inuusan wadan baasaboorkiisa Argentina, isla markaana uu wato baasaboor aan Visa lahayn, waxay qaadatay dhowr saacadood in laacibka toddobada jeer heysta abaal-marinta Ballon d’Or uu helo dal ku galka taasoo ka saacidday inuu xaliyo mushkiladdii heysatay.

Taageerayaal badan ayaa ku soo xoomay halkii Messi lagu haystay kaddib markii ay maqleen in ciyaaryahanku uu meesha ku xayiran yahay, ilaa ugu dambeyn la xalliyey arrintiisa oo loo dalbay dal ku gal deg deg ah.

Arrintan baasaboorka la xiriirta ee Messi ayaa kusoo beegmeysa xilli uu laacibkan ku dhawaaqay bar-dhammaadka xiga ee waayihiisa kubadda cagta.

Toddobaadkii hore ayuu La Pulga sheegay inuu ku biiri doono kooxda uu David Beckham leeyahay ee Inter Miami marka uu dhaco qandaraaskiisa kooxda PSG dhammaadka bishan, waxaana uu halkaas ku xiray suuro-galnimadii uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Hilal iyo fursaddii uu ugu laaban lahaa kooxdiisii hore ee Barcelona.

Waxaana la warinayaa in kooxda Al-Hilal ay aad uga carootay inuu Messi doortay u dhaqaaqista Inter Miami halkii uu iyaga ku biiri lahaa, iyadoo ay xusid mudan tahay inay diyaarad qaas ah u direen magaalada Paris si ay ugu soo safriyaan magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale Barcelona ayaa la rafatay inay qarsato niyad-jabka kasoo gaaray diidmada Messi ee kusoo biiristiisa kooxdooda, waxay sheegeen inuu weeraryahankan doortay Mareykanka si uu ugu ciyaaro deegaan cadaadis yar.

Inkastoo ay muuqato inuu laacibkan boorsooyinkiisa ka xir-xirtay qaaradda Yurub, haddana isaga ayaa wali ah laacibka ugu cadcad ee ku guuleysan kara abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan sanadka ee Ballon d’Or taasoo ay bixiso Majaladda France Football, waxaana uu ka horreeyaa Erling Haaland kaasoo xitaa saddexley koobab ah kula guuleystay naadiga Manchester City xilli ciyaareedkeesii koowaad.

Messi ayaa la rajeynayaa inuu la midoobo xiddigaha kooxdiisa cusub ee Inter Miami bisha July kaddib marka uu qaato nasiinno yar kaddib ciyaaraha saaxiibtinnimo ee xulka Argentina la leeyahay xulalka Australia iyo Indonesia.

Hadda waa ay furan tahay inuu ku ciyaaro dalka Shiinaha daba-yaaqada todobaadkan, maadaama la xaliyay arrimahii baasaboorka, waxaana halkaas ugu duugan xusuus qurux badan maadaama uu dalkiisa Argentina kula guuleystay biladdii dahabka ee ciyaarihii Olombikada ee sanadkii 2008 lagu qabtay magaalada Beijing.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button