RASMI: Kooxda Real Madrid oo ku dhawaaqday saxiixa Jude Bellingham
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta ku dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham, kaasoo ay kala soo wareegtay Naadiga Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka.
Los Blancos ayaa xaqiijisay inay xiddiga reer England ka saxiixatay heshiis lix sanadood ah oo uu kooxda ka dhisan caasimadda Spain kula sii joogi doono ilaa xagaaga 2028.
Bayaan ka soo baxay kooxda Real Madrid oo ay ku dhaabacday website-keeda rasmiga ah ayaa u dhignaa: “Real Madrid CF iyo Borussia Dortmund waxay ku heshiiyey saxiixa Jude Bellingham, kaasoo difaaci doona maaliyadeenna lixda xilli ciyaareed ee soo socda.”
Real Madrid ayaa sidoo kale shaacisay in berri oo Khamiis ah taariikhduna tahay 15-ka bisha June ay saxiixeeda cusub ee Jude Bellingham si rasmi ah ugu soo bandhigi doono saxaafadda, iyadoo ciyaaryahanku uu ka soo muuqan doono garoonka Santiago Bernabéu.
Jude Bellingham ayaa sidoo kale la filayaa inuu markaas warbaahinta la hadli doono markii ugu horreysay iyadoo ah ciyaaryahan ka tirsan kooxda Real Madrid.
Kaddib markii ay ku dhawaaqday saxiixa Jude Bellingham, Website-ka kooxda Real Madrid ayaa hawada ka baxay kaddib markii taageerayaasha Los Blancos ku soo xoomeen website-ka.
Website-ka Real Madrid ayaa in muddo ah hawada ka maqnaa kaddib markii ay soo galeen dad ka badan intii uu qaadayay Server-ka Website-ku.
Astaan Sports