2022 FIFA World Cup

10-ka Xul ee ugu fiican kubbadda cagta Afrika

Waxaan qoraalkan ku soo gudbineynaa 10-ka xul ee ugu fiican qaarada Afrika.

1. Morocco

Morocco ayaa ku jira  sanadkoodii ugu fiicnaa iyaga oo wacdaro ka dhigay koobkii adduunka ee ugu dambeeyay, xulku Morocco ayaa u soo baxay wareega afar dhammaadka koobka adduunka.

Xulka Woqooyiga Afrika Morocco waxay soo bandhigeen wax qabad heer sare ah sanadihii la soo dhaafay, waxa ay soo saareen ciyaaryahanno adag uu xulka ka dhigay inay si dhab ah u tartamaan sanadihii la soo dhaafay, balse wali guul ma aysan gaarin sida wadamada dhigooda Waqooyiga Afrika.

Dalkan Waqooyiga Afrika ku yaala ayaa wacdaro dhigay marka laga hadlayo kubbada cagta qaaradda.

Afrika mar walba waa ay xasuusan doonaan faa’iidooyinkii Mustapha Hadji; kaasoo ahaa jiil ka mid ah xiddigaha Afrikaanka ah ee saameyntooda laga dareemay adduunka oo dhan, maanta Morocco waxay leedahay ciyaartoy sida Hakim Ziyech, Ryad Boudebouz iyo Achraf Hakimi.

2. Masar

Xulka Masar ayaa weli ah boqorka kubbadda cagta Afrika; kooxda ugu awooda badan uguna cabsida badan, faraaciintii Masar ayaa lagu magacaabi jiray; waa kooxda ugu guulaha badan taariikhda kubadda cagta Afrika.

Masaarida ayaa aad u xiiseeya kubaddooda; sidoo kale waxay haystaan kooxda ugu guulaha badan ee Al Ahly oo soo saartay ciyaartoy waa weyn oo guulo wax ku ool ah la gaaray xulka Masar.

Masar waxa ay ku guulaysteen koobka qaramada Afrika 7 jeer, waxay leeyihiin garoonka caalamiga ah ee Qaahira, kaasoo qaadi kara 90,000 oo taageerayaal ah.

Masar marka ay ku ciyaaraan garoonkaas lagu naaneeso The Fortress, waxay soo bandhigaan ciyaar awood badan, waana sababta ciyaartoy badan ay uga ciyaaraan Masar si ay u matalaan  xulka qaranka, ciyaartoydu waxay door bidaan inay sii joogaan Masar halkii ay ka ciyaari lahaayeen Yurub.

Xiddigaha waa weyn ee ka soo ciyaaray waddankooda waxaa ka mid ah Hossam Hassan, Mido, Mohammed Aboutrika iyo Mohamed Salah.

3. Cameroon

Cameroon waa wadan ka mid ah libaaxyada afrika marar badan ayay dariiqii guusha u soo mareen Afrika iyo xataa masraxa adduunka.

 Xulka qaranka Cameroon ayaa ku guulaystay koobka qaramada Afrika shan jeer waxana ay soo gaareen wareegga siddeed dhammaadka koobka adduunka ee lagu qabtay Italy 1990-kii oo ay wacdaro ka dhigeen, inkastoo guuldarro ay kala kulmeyn xulka England oo ku reebay wareegga siddeed dhammaadka.

Cameroon waxay sidoo kale si joogto ah u soo saartay ciyaartoy kubbadda cagta ah oo tayadooda iyo xirfadooda ay tahay mid  cajiib ah; taas oo ah sababta ugu weyn ee Cameroon ay u tahay mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ugu fiican Afrika.

Halyeeyada Cameroon waxaa ka mid ah; Roger Milla, Rigobert Song, Samuel Eto’o iyo magacyo kale.

Cameroon waxay soo saartay ciyaartoygii ugu fiicnaa Afrika 11 jeer, taas oo ka badan waddamada kale, Samuel Eto’o ayaa ku guulaystay afar jeer ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika, isagoo la mid ah xiddigo waa weyn sida Austin Jay Jay Okocha oo u dhashay Nigeria.

4. Nigeria

Super Eagles waxa ay haysatay xul awood leh sannadihii u dambeeyay, laakiin waxa ay weli ka mid yihiin kooxaha ugu fiican qaaradda.

Xulka Nigeria ayaa saddex jeer oo kala duwan ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika, dhab ahaantii, horaantii 1990-meeyadii, waxaa lagu naanaysi jiray The Giant of Africa awooddooda ciyaarta, iyo sidoo kale guushooda cajiibka ah.,Sanadkii 1994-kii, Xulka Nigeria ayaa kaalinta 5-aad ka gashay qiimeynta xululka ugu fiican ee adduunka, waxayna noqdeen dalka kaliya ee Afrikaan ah ee heerkaas gaaray.

Super Eagles-ka Nigeria ayaa kamid ah xulalka ugu caansan kubada cagta ee qaarada Afrika, waa kuwo aad u jecel daawashada sababtoo ah qaabka quruxda badan xilligooda ugu wanaagsanaa Nigeria wuxuu ahaa 1994; sanadkaas waxay ku guuleysteen Afcon waxayna soo bandhigeen bandhigyo cajiib ah koobkii adduunka.

Nigeria waxay haysataa 3 biladood oo dahab ah afar biladood oo qalin ah, iyo sideed biladood oo maar dhammaan tartamada ah. Inkastoo aysan waligood dhaafin heerka group-yada; tartanka koob adduun laakiin Sanadkii 1994-kii, Xulka Nigeria ayaa kaalinta 5-aad ka gashay qiimeynta xululka ugu fiican ee adduunka.

Xiddigaha Nigeria halyeeyada ah waxaa kamid ah Rashidi Yekini, Segun Odegbami, Jay Jay Okocha, iyo Kanu Nwankwo.

5. Ghana

Xiddigaha Madow ee Ghana waa mid ka mid ah kooxaha kubbadda cagta ugu fiican qaaradda Afrika. Waxay leeyihiin tayo dhinac kasto oo laga cabsado; oo ay ku jiraan taariikh adag, ciyaartoy heer sare ah, iyo taageere xamaasad leh oo had iyo jeer wax badan ka doonaya ciyaartoydooda qaab guulo, ciyaar tayo wanaagsan, iyo dabcan billado.

 Ghana waxay leedahay nidaam heer sare ah sidoo kale, xiddigo badan oo da’yar ayaa si joogto u soo saaraan.

Ghana ayaa ku guuleysatay AFCON afar jeer, xitaa waxay ciyaareen Quarter Finalka koobka adduunka sannadkii 2010kii . Waxa ay hal rigoore u jireen iney u gudbaan Semi Final-ka, balse wey qasaariyeen

. Ciyaartoyda waa weyn ee u soo ciyaaray Black Stars ee Ghana waxaa ka mid ah Abedi Pele, Michael Essien, iyo Asamoah Gyan oo heysta rikoorka kulamada ugu badan oo ah (109) iyo goolasha ugu badan (51) ee xulka Ghana.

6. Senegal

Kooxdan oo loo yaqaan The Lions of Teranga, waxaa la aas-aasay 1960-meeyadii, Senegal ayaa dhawaan ku guuleysatay koobkeedii ugu horreeyay ee Koobka Qaramada Afrika ee Cameroon 2021, Senegal waa mid ka mid ah wadamada sida joogtada ah u soo saaro ciyaartoy awoood badan oo ka soo jeeddo Africa.

Waxay ku ciyaaraan kalsooni iyo xamaasadd taageerayaasha taas oo ka dhigaysa inay aad u adag tahay in lala ciyaaro, Senegal ayaa sanado badan kor u kacday; waxay muujiyeen awood sare 2002dii iyagoo wata ciyaartoy ay ka mid yihiin Aliou Cisse, El Hadj Diouf, iyo Kalilou Fadiga. Waxa ay u soo baxeen finalka balse waxa ay guuldaro kala kulmeen Cameroon. Intaa ka dib waxa ay u soo baxeen wareega 8-aad ee koobka adduunka oo ay guuldaro kala kulmeen Turkiga.

Ciyaartoyda halyeeyada ah Senegal waxaa ka mid ah  Aliou Cisse, El Hadj Diouf, Kalidou Koulibaly, iyo Sadio Mane.

7. Algeria

Xulka  Algeria waa xul garaaci kara koox  kasta oo adduunka ah maalintooda, Dalka Waqooyiga Afrika ku yaala waxa uu ku faani karaa qaar ka mid ah ciyaartoyga hibada iyo xirfada leh ee ka ciyaaro wadamada Yurub, dedaalkooda wadajirka ahna waxa ay xaqiijiyeen kor u kaca qarankooda.

Algeria ayaa ku guuleysatay koobka AFCON labo jeer, waxaana ay sidoo kale ciyaareen dhowr jeer koobka adduunka. Algeria waxay leedahay horyaal oo aad u adag dalkooda, waxayna si joogto ah u soo saaraan ciyaartoy tayo sare leh. Ciyaartoydii ay haystaan Algeria waxaa ka mid ah Sofiane Feghouli, Islam Slimani, iyo Riyad Mahrez.

8. Ivory Coast

Ivory Coast waa mid ka mid ah wadamada ugu adag qaarada Afrika marka loo eego dhanka kubada cagta, xulkan ayaa caan ku ah qaab ciyaareed heer sare ah, waxaana ay awood u yeelatay in ay guulo badan ka gaarto taariikhda Afcon.

Waxay u ciyaaraan si awood leh waa kuwo jir ahaan xoog badan, iyo farsamo ahaan hibo u leh. Waxay leeyihiin xamaasad, rabitaan, iyo aaminsanaanta awoodooda.

Ivory Coast ayaa laba jeer ku guuleysatay AFCON, waa xul aadan rabin inaad la ciyaarto marka ay tartan  ku jiraan; waxay soo saaraan bandhigyo heersare ah. Jiilkooda dahabiga ah wuxuu ahaa 2006 ilaa 2014, iyo 2015-kii ay ku guuleysteen Afcon

Ivory Coast waxay soo saareen halyeeyo Afrikaan ah oo wacdaro ka dhigaya Yurub sida Didier Drogba, Salomon Kalou, Emmanuel Eboue, Yaya Toure.

9. Tunisia

xulka Tunisia ayaa hal mar kaliya ku guuleystay AFCON; wax la yaab leh marka loo eego nidaamka wanaagsan ee horyaalka dalkooda, iyo tayada ciyaartoyda ay si joogto ah u soo saaraan.

Ku guulaysigooda horyaalka Afrika waxay ahayd 2004 markaas oo indhaha oo dhan lagu eegayay Cameroon iyo Nigeria.

Eagles Carthage ee Tunisia ayaa weli loo arkaa inay yihiin xul adag oo kubbadda cagta Afrika ah.

10. Koonfur Afrika

Koonfur Afrika aad ayay u xiiseeyaan kubbadda cagta; malaha waa sababta ay u naqshadeeyeen funaanadooda inay u ekaadaan Brazilian-ka.

Koonfur Afrika waxay leedahay nidaamka horyaalka ugu fiican afrika Inta badan xiddigahooda ayaa ka ciyaara horyaalka waxaana u yimaada ciyaartoyda kubbadda cagta qaaradaha kale si ay ugu ciyaaraan s.afrika

Koonfur Afrika ayaa hal mar ku guuleysatay AFCON sanadkii 1996.

Qaar ka mid ah xiddigaha halyeeyada Koonfur Afrika, waxaa kamid ah Lucas Radebe, Sphiwe Tshabalala, iyo Benny McCarthy.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button