2022 FIFA World Cup

Waa maxay sababta horyaalka Sacuudiga ula wareegayo xiddigaha Premier League…?

Qormadan waxaan ku eegeynaa saxiixyada horyaalka Sacuudiga kula wareegayo qaar kamid ah ciyaartoyda ka ciyaaro Premier league iyo sida ay ugu falceliyeen halyeeyada ka soo jeeddo England ee falanqeeyo ciyaaraha kubbadda cagta.

Aaan ku bilawno ciyaaryahankii hore ee Man United Gary Neville ayaa Premier League u soo jeediyay inay joojiyaan iney ciyaartoy ka iibiyaan Horyaalka Saudi Arabia sababo uu ku sheegay in ay hoos u dhigi doonto daacadnimada ciyaartoyda horyaalka Premier League, laakiin illaa iyo  hadda ma jirto calaamad muujinaysa inay joogsanayso.

Jamie Carragher kuma faraxsana suuqa Sacuudiga ciyaaryahankii hore Liverpool iyo xulka Englan ayaa yiri.

“Sacuudi Carabiya waxay horey ula wareegtay ciyaaraha Golf-ka iyo feerka, waxayna hadda doonayaan inay maamulaan kubbadda cagta, waa in la joojiyaa taas.

Bernardo Silva oo ku wajahan Sucuudiga, waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnayd Yurub sannadihii la soo dhaafay, haatanna heerkiisa ugu sarreeya, aniga kama welwelin markii aan arkay Sucuudiga oo helaya ciyaartoy soddon jir ah.

Laakiin marka aad aragto heshiisyo sidan oo kale ah waa inaad ka walwashaa sababtoo ah tani waxay beddeshaa ciyaarta.”

Kabtanka kooxda Wolves Ruben Neves ayaa  ugu biiray kooxda Al-Hilal Jimcihii hore qiimo dhan £ 47m 26-sano jirkan ayaa kamid ah ciyaartoy badan oo u wareegay horyaalka Sacuudiga.

Goolhayaha Chelsea Edouard Mendy ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ku biirayo mid kamid ah kooxaha Saudi Pro League.

Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo N’Golo Kante ayaa kamid ah xiddigaha caanka ee u dhaqaaqay horyaalka Sacuudiga  laakiin ku dhow dhammaadka xirfadooda ciyaareed.

Waxaa sii kordhayo xiisaha, ciyaartoyda ku wajahan horyaalka Sacuudiga iyadoo xiddiga Arsenal Thomas Partey aad loola xiriirinayo inuu u dhaqaaqi doono horyaalka Sacuudiga.

Horaantii bishan Juun, Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya  Public Investment Fund (PIF), ayaa ku dhawaaqay inay la wareegayaan afar kooxood oo hormuud ka ah kooxaha horyaalka Sacuudiga oo ugu horreyso kooxda  Al-Nassr, oo la soo saxiixatay Ronaldo bishii December sanadkii hore.

kooxaha Ingariiska qaarkood ay wajahayaan caqabad ah inay isku dheelitiraan dhaqaalahooda labada kooxood ee kala ah Chelsea iyo Wolves waxay wajaheen go’aano adag oo ku saabsan iney iibiyaan ciyaartoy xagaagan iyagoo isku dayaya inay ku sii jiraan liiska kooxaha Premier League ee hoos yimaada sharciga Financial Fair Play (FFP).

Chelsea ayaa wax ka badan 400 milyan ginni ku qarash gareysay suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkii hore, halka Wolves ay soo bandhigtay khasaaro dhan 46.1 milyan ginni sanadkii hore, waxaana tababare Julen Lopetegui uu sheegay in kooxdu ay tahay inay “xaliso” arrimaha FFP si ay ugu tartanto horyaalka heerka koowaad.

Kooxda Wolves ayaa rajeyneysay in Neves uu ku biiri doono Barcelona xagaagan, hase yeeshee qiimaha 47 milyan ginni ayuu ugu dhaqaaqay kooxda Al-Hilal lacagahaasi ayey doonayaaan iney ku maareeyaan qasaaro ka soo gaaray suuqa kala sanadkii hore kooxda Wolves.

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa xiiso weyn u laheyd iney hormariyaan  kubada cagta sanadihii ugu dambeeyay

Sidoo kale xulka qaranka Sacuudiga ayaa u soo baxay lix ka mid ah sideedii koob adduun ee la soo dhaafay, waxa ay ku guulaysteen saddex koob oo Asia laga ciyaaro kaliya xulka Japan ayaa ka badan.

Koobkii Adduunka ee Qatar sannadkii hore, dhammaan 26-ka ciyaartoy ee xulka Sacuudiga ayaa laga soo xulay kooxaha horyaalka Sacuudiga waxayna guul ka gaareen kulankii furitaanka xulka Argentin oo ku guuleystay koobkii Adduunka Qatar 2022.

Dhanka kale kooxda Al-Hilaal ayaa ah kooxda ugu guulaha badan tartanka Champions League Asia, ma jirto koox ku guuleysatay tartanka AFC Champions League Asia in ka badan afar mar waxaana sidaasi sameysay kooxda ka dhisan Saudi Arabia Al-Hilaal sanadihii  (1991, -2000, 2019, 2021).

Sanadihii la soo dhaafay, Sacuudi Carabiya ayaa hormar ka sameysay martigelinta tartamada Formula 1 iyo feerka heerka sare ee Adduunka iyo sidoo kale qaabeynta ciyaaraha LIV Golf.

Sacuudi Carabiya waxay isku aragtaa inay udub dhexaad u tahay nidaamka cusub ee Adduunka iyo maalgashiga isboortiga waxay gacan ka geysaneysaa ka qayb qaadashada booskaasi.

” Simon Chadwick, oo ah Profosser ku takhasusay ciyaaraha iyo dhaqaalaha juqraafiga ee Dugsiga Ganacsiga Skema ee ku yaalo Paris, ayaa laga soo xigtay dhawaan.

“Hagaajinta horyaalka Sacuudi Carabiya waa qayb ka mid ah qorshahaasi  iyadoo la kaashanayo magacyo waaweyn oo caan ah”.

Weeraryahankii hore ee Leeds iyo Wolves Helder Costa, iyo ciyaaryahankii hore ee Argentina Ever Banega iyo sidoo kale weeraryahankii hore ee Watford iyo Manchester United Odion Ighalo ayaa dhamaantood ka soo muuqday xilli ciyaareedkii hore horyaalka Sacuudiga, halka tababarihii hore ee Wolves iyo Tottenham Nuno Espirito Santo uu macalin u yahay kooxda  Al-Ittihad.

Su’aasha ay dadka isweydiinayaan ayaa ah Kani ma yahay horyaalka Shiinaha oo kale?

Marka horyaalku noqdo mid soo jiito ciyaaryahano waa weyn suuqa kala iibsiga, su’aalaha ku saabsan sii jiritaankiisa maaliyadeed ayaa ah mid wax la iska weydiiyo.

Horyaalka Chinese Super League, ayaa muddo kooban, waxa uu soo jiitay xiisa badan, waxa uuna bixiyay lacago aad u badan, si uu u soo jiito ciyaaryahano magac sare leh, sida weeraryahankii hore ee Manchester United iyo City Carlos Tevez. Heerarka kharashka noocan ah ma sii waarin.

Laakiin horyaalka Sacuudiga ayaa aaminsan in lagu dhisay aas-aas adag.

“Horyaalka si wanaagsan ayuu u dhisan yahay, wuxuuna socday illaa 1970-meeyadii, kooxuhuna waxay leeyihiin taageere dhab ah oo daneeya kubadda cagta taasoo ka dhigaysa mid dhab ah oo aan ahayn mid macmal ah, sidaasi waxaa u sheegay BBC Sport mid kamid ah shaqaale ka tirsan horyaalka Sacuudiga”.

Horyaalka Shiinaha, kuma tiirsaneyn lacag Dawladdu leedahay, waxay ahay mid ka timid ganacsatada taasina  way joogsatay.

Halkan dhaqaalaha lagu bixinayo waa mid aad loo sugi karo sanado badan, waana qayb ka mid ah qorshaha mustaqbalka fog, naadiyadu si fiican ayay u dhisan yihiin kubbadda cagta dalka oo dhanna waa tan koowaad ee ciyaaraha.

“Inkasta oo uu horyaalka Sacuudiga ay ka ciyaaraan ciyaartoy ajaanib ah haddana waxay faa’iido ku qabaan xayeysiimaha Tv-yada, Ronaldo waxa uu kor u qaaday daqliga Dowlada soo galo tan iyo markii uu yimid bishii December sanadkii hore taasna waa faa’iidooyin kale uu ku sii jiri karo horyaalka Sacuudiga taasoo ku dhiiragelineyso iney raadiyaan magacyo kale.

Yurub miyay cabsi ka qabtaa kor u kaca Sacuudiga?

Iibinta ciyaartoy muhiim ah maaha waayo-aragnimo cusub Shiinaha iyo Major League Soccer ayaa xiddigo ku tijaabiyay waqti hore, hase yeeshee bixitaankii ciyaartoydii ugu fiicnaa, sida Neves, waa walaac soo wajahay horyaalka Premier league.

Muxuu ka yiri madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin Horyaalka Sacuudiga.

“waa inay lacagtaas ku bixiyaan akadeemiyada, keenaana macalimiin si ay horumariyaan ciyaartoydooda.

In ciyaartoyga ay soo iibsadaan dhammaadka xirfadahooda maaha nidaam horumarinaya kubbada cagta Sacuudiga.

Ciyaaryahan kasto wuxuu rabaa inuu ku guuleysto koob kan ugu sarreeyana waa midka Yurub laga ciyaaro.

Astaansports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button