Kooxda PSG oo waqti kama dambeys ah u qabatay Kylian Mbappé
Kooxda kubadda cagta PSG ayaa waqti kama dambays ah u qabatay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo laga doonayo inuu shaaciyo go’aankiisa ah inuu sii joogayo oo uu heshiis cusub saxeexayo iyo inuu ka tegayo xagaagan, iyadoo meesha laga saaray wax u dhaxeeya labadaas dookh.
Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa saxaafadda u sheegay, in uu u sheegay Kylian Mbappe inuu kaliya kala doorto laba arrimood oo ah inuu heshiis cusub saxeexayo iyo inuu baxayo si ay u iibiyaan.
“Kylian Mbappé waa inuu go’aan gaaraa todobaadka soo socda ama labada todobaad ee soo aaddan, taasoo ah waqtiga kama dambeysta ah ee uu ku gaari karo go’aankiisa ugu dambeeya”.
“Haddii uusan rabin inuu saxiixo heshiis cusub, albaabku waa furan yahay”.
Madaxweynaha PSG ee Al Khelaifi ayaa sidoo kale hanjabaad u diray Mbappe waxaana uu yiri: “Ma jiro qof ka weyn kooxda; ha ahaado ciyaaryahan ama xataa aniga.”
Astaan Sports