Kaddib Mason Mount waa kuma xiddigaha soo xirtay No. 7-aad ee Man United.
Mason Mount ayaa ku soo biiray xiddigaha xiran doono No.7-aad, Laga soo bilaabo Eric Cantona ilaa Cristiano Ronaldo, David Beckham, Edinson Cavani iyo xiddigo kale Taariikh No.7 ee Man Utd.
Saxiixii ugu dambeeyay ee United Mason Mount ayaa la xaqiijiyay inuu yahay xiddiga xiran doono lambarka 7-aad ee caanka ah, sidaa darteed waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa xiddigihii hore u soo xirtay lambarka 7-aad sanadihii lasoo dhaafay iyo sidii ay ugu soo dhalaaleen xirashada No.7-aad wallow qaar badan ay ku fashilmeen
Aan ku bilowno George Best.
1- George Best
George Best oo ka soo jeedo Northern Ireland ayaa kamid ah xiddiga soo xirtay lambarka 7-aad ee kooxda Man United waxa uu ku guulaysta Ballon d’Or isagoo noqday gooldhaliyaha ugu sareeya Man United lix xilli ciyaareed oo isku xigta ka hor inta uusan ka tagin kooxda sanadkii 1974.
Waxa uu Red Devils ka caawiyay inuu kula guuleysato laba horyaal iyo sidoo kale Koobka Yurub sannadkii 1968-kii, isagoo goolkisii finalka ka dhaliyay ciyaar ay 4-1 kaga adkaadeen kooxda Benfica.
2-Bryan Robson
Bryan Robson oo kamid ah xiddiga soo xirtay lambarka 7-aad ayaa u ciyaaray Man United 461 jeer Robson wuxuu dhaliyay 99-gool, wuxuuna noqday kabtankii ugu horreeyay ee Ingriis ah oo kor u qaaday koobka FA Cup-ka sidoo kale wuxuu gacan ka geystay xaqiijinta ku guuleysiga Premier League iyo Cup Winners’ Cup
3- Keith Gillespie
Keith Gillespie oo ka mid ahaa kooxdii ku guuleysatay FA Youth Cup 1992, Gillespie waxaa u dhiibay funaanadda No.7 macalinkii ugu guulaha badnaa kooxda Man United Sir Alex Ferguson.
Wuxuu United kula guuleystay labo koob FA Charity Shield, sanadkii 1994 iyo FA Youth Cup sanadkii 1992
Waxaa laga iibiyay kooxda Newcastle United sandkii 1995.
4-Eric Cantona
Waxa uu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda Man United 1 December 1992, kulan saaxiibtinimo oo ay Benfica kula ciyaareen Lisbon isagoo xiran lambarka 10-aad.
Waxa uu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee tartan rasmi ah isagoo beddel ku soo galay qeybtii labaad kulan ay kooxdiisa kula ciyaartay Manchester City garoonka Old Trafford 6-dii December 1992.
Xilli ciyaareedkii 1993-94, Man United United ayaa u gacan gelisay No.7-aad ‘King Eric’.
Waxay ka soo iibsadeen kooxda Leeds United sanadkii 1992-kii, Cantona waxa uu ahaa mid difaacyada ka soo horjeedo ay aad u dhibsadaan muddo shan sano ah uu ka ciyaarayay garoonka Old Trafford,
Eric Cantona ayaa kooxdiisa u qaaday 4 horyaal oo Epl-ka ah iyo 2 FA Cup koobka FA Charity Shield oo 3 mar ah.
5-David Beckham
David , Beckham wuxuu soo noqday mid ka mid ah kabtanadii ugu wanaagsan England waqtigiisii Old Trafford.
Beckham waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray Man United isagoo kula guuleystay lix mar horyaalka Ingiriiska labo mar oo FA CUP-ka iyo sidoo kale hal mar uu la qaaday Champion league
Ugu dambayntii waxa uu 2003 ka tagay kooxdiisa, isagoo ku biiray naadiga Real Madrid kaddib markii uu u saftay ku dhawaad 350 kulan kooxdii uu taageeri jiray yaraantiisii ee Man United.
6- Cristiano Ronaldo
Man United ayaa ka soo iibsatay Cristiano Ronaldo kooxda Sporting, ee ka dhisan Burtugal wuxuu yimid Manchester isagoo da’yar wuxuuna ka tagay isagoo ah mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn Adduunka, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ku guuleysta Ballon d’Or United tan iyo George Best.
Ronaldo ayaa kula guuleystay Man United
Premier League 2006–07, 2007–08, 2008–09
FA Cup: 2003–04,
FA Community Shield: 2007
UEFA Champions League: 2007–08
Football League Cup: 2005–06, 2008–09
FIFA Club World Cup: 2008
Cristiano Ronaldo ugu dambeyntii u dhaqaaqay Real Madrid, isagoo Los Blancos ugu biiray heshiis rikoorka adduunka ah oo gaaraya 80 milyan ginni sanadkii 2009kii.
7-Michael Owen
Michael Owen Dhaawacyo soo gaaray, ayaa hoos u dhac ku keenay tan iyo markii uu ku soo biiray Man United sanadkii 2009-kii.
Waxa uu ku dhibtooday inuu saameyn badan ku yeesho seddexdii sano ee uu ku sugnaa Old Trafford, inkastoo gool uu ka dhaliyay waqtigii dhimashada kualan ay Manchester City kaga adkaadeen Premier league, markii uu kooxda yimid bilo yar kaddib taasoo ahayd mid taariikhda u gashay Michael Owen.
Michael Owen ayaa Man United kula guuleystay.
Premier League: 2010–11
Football League Cup: 2009–10
FA Community Shield: 2010
Wuxuu Man United katagay xilli ciyaareedkii 2012-13 isagoo ku biiray kooxda Stoke City.
8-Antonio Valencia
Antonio Valencia ayaa Man United kaga soo biiray kooxda Wigan Athletic, sanadkii 2009-kii Valencia waxaa loo dhiibay funaanadda No.7-aad ee xilli ciyaareedkii 2012-13, kaddib bixitaankii Owen.
Waxa uu ku dhibtooday inuu wax badan ku soo kordhiyo xirashada lambarka 7-aad.
sannadkii xigay ayuu dib ugu laabtay No.25, isagoo qaab ciyaareedkiisii soo fiicnaaday tan iyo markii uu noqday kabtanka United iyo mid ka mid ah magacyada ugu horreeya kooxda.
Antonio Valencia ayaa kula guuleystay kooxda United.
Premier League: 2010–11, 2012–13
FA Cup: 2015–16
EFL Cup: 2009–10, 2016–17
FA Community Shield: 2010, 2013, 2016
UEFA Europa League: 2016–17
Wuxuu kooxda katagay sannadkii 2019-kii isagoo ku biiray kooxda LDU Quito.
9- Angel Di Maria
Kaddib xilli ciyaareed aan la isticmaalin funaanadda No.7 Di Maria ayaa ka yimid Real Madrid isagoo loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa finalkii Champions League bilo ka hor sanadkii 2014-kii.
Xiddiga reer Argentin ayaa ka soo bixi waayay No 7-aad, inkastoo uu xilli ciyaareedkiisa ugu horreeyay uu sameeyay 12 caawin isagoo dhaliyay afar gool, ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa laga iibiyay sanadkii 2015-kii kooxda Paris Saint-Germain kaddib hal sano oo uu ku sugnaa Englan.
Di Maria wax koob ah lama qaadin United.
10-Memphis Depay
Kooxda Man United ayaa 25 milyan ginni ku soo iibsatay Memphis Depay sanadkii 2015-kii isagoo wacdaro ka dhigay kooxda PSV, Memphis wuxuu awoodi waayay inuu ka soo dhalaalo No 7-aad intii uu joogay kooxda United.
Waxqabadkiisii ugu wacnaa ee Red Devils waxa uu ka soo muuqday tartamada Yurub, laakiin waxaa laga iibiyay kooxda Lyon bishii Janaayo sanadkii 2017-kii.
Memphis Depay wuxuu kooxda United la qaaday.
FA Cup: 2015–16
UEFA Europa League: 2016–17
11-Alexis Sanchez
Alexis Sanchez oo kamid ah ciyaartoyda soo xiratay No.7-aad ayaa ku fashilmay wuxuuna United kaga soo biiray kooxda Arsenal sanadkii 2018-kii
Shan iyo afartan kulan ayuu dhaliyay shan gool, waxaana amaah lagu siiyay Inter xilli ciyaareedkii 2019-20, kaddid, Inter ayaa si joogto ah ula wareegtay xagaagii 2020-ka.
Alexis Sanchez wuxuu kamid ahaa kooxii United ee gaartay fiinaalka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii 2017–18 xilli laga qaaday koobkaasi.
12-Edinson Cavani
Cavani ayaa yimid United bishii Oktoobar 2020-kii waxaana lool arkay inuu noqdo mid ka mid ah xiddigaha ka soo bixi karo xirashada No. 7-aad ee kooxda hase yeeshee sidii laga filayay ma noqon.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa dhaliyay kaliya 19-gool seddex xilli ciyaareed, waxaana loo ogolaaday inuu beeca xorta ah kaga tago kooxda United.
Edinson Cavani waxaa dhibaato ku noqotay dhaawacyo soo noqnoqday taasoo meesha ka saartay inuu sii joogo kooxda Man United.
Cavani wuxuu kamid ahaa kooxii United ee gaartay fiinaalka tartanka UEFA Europa League xilli ciyaareedkii 2020–21-kii xilli laga qaaday koobkaasi kooxdiisa United.
13- Cristiano Ronaldo
Dabcan, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dib u soo laabtay funaanadiisii hore markii uu ku soo laabtay United, laakiin ma ahayn Ronaaldihii la yaqaanay ee guulaha ku soo qaatay No.7-aad
Ronaldo ayaa dhaliyay 18 gool 30 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii 2021-22, laakiin xaalada si dhakhso leh ayay u xumaatay kaddib magacaabistii Erik ten Hag.
Waxa uu dhaliyay hal gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxaana laga iibiyay kooxda Sucuudiga Al-nasar.
Astaansports.