Paris Saint-Germain oo la wareegtay Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé
Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay la wareegtay weeraryahankii Barcelona ee Ousmane Dembélé.
Weeraryahanka reer France ayaa la sheegay in shalay uu heshiiska shaqsiga ah uu la soo gaaray kooxda PSG, isla markaana uu qandaraas shan sanadood ah qalinka ugu duugay.
Inkastoo labada kooxood ee Barcelona iyo PSG aysan weli si rasmi ah u shaacinin heshiiska ay xiddigan ka gaareen, haddana warbaahinta qaarkeed ayaa warinaya in labada kooxood ay heshiis ka wada gaareen iibka ciyaaryahan Ousmane Dembélé.
Wargeyska L’Equipe ee ugu weyn Faransiiska iyo Suxufiga suuqa kala iibsiga xiddigaha looga dambeeyo ee Fabrizio Romano ayaa isku raacay in la dhammaystiray heshiiska Dembélé oo kaliya ay dhiman tahay in la shaaciyo.
Waxa ay warbixintooda intaa ku dareen in kooxda Barcelona ay ogolaatay in laacibkan ay kaliya ku iibsato 50 milyan oo euro, inkastoo uu heshiiskiisu dhacay xalay saqdii dhexe oo ay ku iibsan kartay 100 milyan oo euro.
Ousmane Dembélé ayaa marka ay PSG u shubto Barcelona 50 milyan euro aadi doona dalka Faransiiska, waxaana la warinayaa in ciyaaryahanku uu saacadaha soo aaddan u duuli doono Magaalada Paris si uu baaritaanka caafimaad ugu maro kooxdiisa cusub ee PSG.
Marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadkana waxaa la horkeeni doonaa Saxaafadda oo si rasmi ah ayaa loo soo bandhigi doonaa, isagoo markaas qalinka ku duugaya qandaraas shan sanadood ah oo socon doona ilaa sanadka 2028.
Astaan Sports