2022 FIFA World Cup

FIFA oo lacago siin doonto ciyaaryahan kasta oo ka qaybgalay Koobka Adduunka Haweenka 2023

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu la shaqeeyo xiriirada xubnaha ka ah FIFA si loo hubiyo in $ 30,000 oo loo qoondeeyay ciyaaryahan kasta oo ka qeyb galaya Koobka Adduunka Haweenka iney helaan lacagahaasi.

Ciyaaryahan kasta oo ka qaybgalaya Koobka Adduunka Haweenka waxay FIFA siin doontaa ugu yaraan $30,000, sidoo kale 23-ka ciyaaryahan ee kooxda ku guuleysata koobka Adduunka Haweenka ayaa midkiiba heli doona $270,000.

FIFA ayaa oofinaysa ballan-qaadkii bishii Maarso ee ahaa in abaalmarin lacageed lagu abaal-marin doono 732-ka ciyaartoy ee ka qayb-qaadanaya koobka Adduunka Haweenka oo la soo gabagabeen doona 20-ka bishan Agoosto

Tartankan waxaa si wada jir ah u martigalinayo Australia iyo New Zealand, tani waxay la macno tahay in ka badan kala bar lacagta guud ee abaal-marinada FIFA ee ah $110 milyan ay tahay in la siiyo ciyaartoyda 32-xul.

FIFA ayaa bixin doonta lacag dhan 10.5 milyan oo dollar oo ay siin doonto qaranka ku guulaysta koobka Adduunka Haweenka, sidoo kale $6.21 milyan ayaa loo qeybin doonaa ciyaartoyda iyadoo inta soo hartay $4.29 milyan la siin doono xiriirada.

Ciyaaryahan kasta oo ka tirsan xulkii ku guuleysto koobka Adduunka wuxuu heli doono $270,000, ciyaartoyda kooxda kaalinta labaad ku jirta waxay heli doonaan $195,000 midkiiba.

Kooxdii gashaa kaalinta saddexaad, waxa uu ciyaaryahan kasta oo kooxdaas ka tirsan la siin doonaa lacag dhan $180,000

halka ciyaartoyga ku ku haro wareega semi fiinaalka uu midkiiba heli doono $165,000.

Ciyaartoyda xulalka ku soo haray wareega 8-da ayaa midkiiba waxa uu heli doonaa $90,000, ciyaartoyda kooxaha ku haray wareega 16-ka ayaa gurigooda ku soo laaban doona iyagoo wata min 60,000$.

Ciyaartoyda ka kala socda 16-ka kooxood ee aan ka soo bixin heerka groupyada ayaa loo balan qaaday inay heli doonaan midkiiba $30,000 oo ah in ka badan mushaharka sanadlaha ah ee  ka helaan naadiyadooda.

FIFA waxay hore u sheegtay inay “maalgelin weyn ku samaynayso kubbadda cagta haweenka, markii ugu horreysayna, waxaan dammaanad qaadaynaa lacag abaal-marinnanada ah ciyaartoyda ayuu sheegay madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.

Marka la eego qaabkan cusub ee qaybinta aan horay loo arag, ciyaaryahan kasta oo ka tirsan Koobka Adduunka Haweenka ee FIFA 2023, wuxuu hadda si buuxda ugu tiirsanaan karaa gunnada dadaalkooda inta ay ka sii gudbayaan tartanka,” ayuu madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayuu intaa kudaray Arbacadii.

Astaansport

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button