2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Maxaa sababay sare u kaca tirada daawadeyaasha Koobka Adduunka ee Haweenka 2023?!

Sare u kac ayaa laga dareemayaa tirada daawadeyaasha Koobka Adduunka haweenka ee sanadkan.

Xogtan uu soo saaray maamulka kubadda cagta ee gacanta ku haya koobka Adduunka dumarka ayaa muujinaysa in 48 kulan oo ilaa iyo haatan la ciyaaray kaddib ay daawadeen 1,222,839 taageere.

Taasi waa koror boqolkiiba 29 ah marka loo eego tiradii daawatay koobkii Adduunka haweenka ee ka dhacay dalka Faransiiska afar sano ka hor kaddib markii la ciyaaray 48 kulan.

Waxaa jiray dad badan oo iibsaday tikidhada koobka Adduunka, laakiin guud ahaan taageerayaasha soo xaadiray Australia ayaa ka wanaagsanaa kuwa yimid New Zealand oo ah labada dal ee sanadkan marti-gelinaya dhacdada koobka Adduunka ee dumarka 2023.

In ka yar 7,000 oo qof ayaa daawatay kulankii xulka gabdhaha Japan oo 2-0 ku garaaceen Costa Rica ciyaar ka dhacday Dunedin ee dalka New Zealand, waxaana jiray kuraas badan oo faaruq ah.

In ka badan 1,715,000 oo tikidh ayaa la iibiyay guud ahaan ilaa hadda, taasoo dhaaftay yoolkii hore ee tartanka oo ahaa in la iibiyo 1.3 milyan oo tikidh.

“Waxaan ku kalsoonahay final-ka inaan heli doonno in ka badan 1.9 milyan oo taageerayaal ah oo soo maray albaabbada garoonka,” ayey tiri Madaxa kubbadda cagta haweenka ee FIFA ee Sarai Bareman oo u warramaysay Wakaaladda Wararka AFP.

Waxa ay intaa ku dartay: “Tartanka ilaa hadda wuxuu ahaa mid cajiib ah, wuxuuna dhaafay wixii aan filaynay dhinacyo badan.”

Kulankii dhex maray xulalka haweenka ee Mareykanka iyo Netherlands ayaa ahaa kii ugu daawashada badnaa abid ee heerka guruubyada koobka adduunka ee haweenka ee ka dhaca America.

Sarai Bareman ayaa xiisaha daawashada u nisbisay kobaca kubadda cagta haweenka, taasoo keentay in farqiga u dhexeeya xulalka ugu sarreeya uu soo dhowaado, kulamaduna ay noqdaan kuwo tartan badan.

Xulkii laga qaaday koobka haweenka qarammada Yurub ee Germany, dalalka Brazil, Italy iyo xulkii ku guuleysatay Olympic-da ee Canada ayaa dhammaantood ku haray wareegga group-yada koobka Adduunka haweenka 2023.

Taas beddelkeedana Xulalka Morocco, Nigeria, Jamaica iyo South Africa ayaa ka soo gudbay heerka guruubyada  koobka Adduunka dumarka 2023.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button