Kulan ka tirsan tartanka koobka General Daa’uud oo maanta la ciyaari doono

Kulan ka tirsan tartanka kubbadda cagta General Daa’uud ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium, ciyaartan ayaa u dhexeyso kooxaha Raadsan & Waxool waana lugta labaad ee wareegga 16-ka tartanka koobka General Daa’uud 2023.
Lugtii koowaad ee horey u wada ciyaareen kooxaha Raadsan & Waxool ayaa ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxda Waxool haddii kulanka galabta u ku dhammaado barbaro waxaa soo bixi doonto kooxda Waxool.
Kooxda Raadsan ayaa u baahnaan doonto iney ku adkaato wax ka badan hal gool si ay u xaqiijiso u soo bixitaanka wareegga sideed dhammaadka koobka General Daa’uud 2023 kaasoo si xiiso leh ugu socdo garoonka Muqdisho Stadium ee degmada Warta-nabada.
Kooxaha Raadsan & Waxool kooxdii soo baxdo ayaa la ciyaari doonto wareegga sideed dhammaadka tartanka General Daa’uud kooxda Gaadiidka.
Astaansports


