Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
2022 FIFA World CupWARARKA MAANTA

Waa tuma Gabadha u ciyaareysay  Nigeria, ee ku dayato Mario Bolotelli….?

Gabadha daafaca ugu ciyaareysay xulka gabdhaha lagu naaneeso Super Falcons, ee Nigeria Michelle Alozie, ayaa shaaca ka qaaday dhiirigelinta ka dambeysay xirashada kabaha midabada kala duwan leh ee ku ciyaartay koobka Adduunka Haweenka 2023.

Mario Balotelli ayaa soo xirtay koobkii Aduunka sannadkii 2014-ka kabahan waxayna sheegaty iney isaga kaga dayatay xirashada kabahan midabada kala duwan leh.

Gabadhan ku dhalatay dalka Maraykanka ayaa ka mid ahayd ciyaartoydii Nigeria kuwii ugu wanaagsanaa ee ka soo muuqday Koobka Adduunka Haweenka ee FIFA 2023.

Michelle Alozie iyo xulka Nigeria ayaa si qurux badan ugu soo baxay Koobka Adduunka Haweenka 2023 ciyaaraha guruubka, waxaana laga dhaliyay kaliya labo gool iyadoo Nigeria ay ku dhameysatay kaalinta labaad Group-ka B.

Gabdhaha Nigeria ayaa shalay ku haray wareegga 16-ka koobka Adduunka Haweenka 2023, kaddib markii gool-kulaadyo 4-2 kaga adkaadeen xulka gabdhaha England.

Gabdhan 26-jirka ah ayaa ku dhalatay magaalada Apple Ville gobolka California ee dalka Mareykanka, waxaana iska dhalay waalidiin u dhashay dalka Nigeria oo kasoo jeeda deegaanka Imo ee gobolka Koonfur Bari ee dalka Nigeria.

Michelle Alozie kuma eko ciyaarista kubadda cagta, waxay shahaadada koowaad ee cilmiga Molecular Biology ka qaadatay jaamacadda Yale ee dalka mareynkanka.

Waxay u ciyaartaa naadiga Mareykanka, ka dhisan Houston Dash waxayna u shaqeysaa Part-time xarun caafimad lagu daaweeyo xanuun Kansarka.

Astaansports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button