Kooxo waaweyn oo Uefa kala kulmay ganaaxyo jabinta sharciga FFP.
Dhaqangelinta sharciga Financial Fair Play (FFP) ee sannadkii 2009 ayaa si weyn u beddelay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda marka ay timaaddo kharashka kubbadda cagta horyaalada Yurub.
Xeerarka xakameynta dhaqaalaha ka hor 2009-kii waxay kooxaha si fiican u kharash gareen jireen lacago badan si ay u helaan ciyaartoy qali ah, waxaana qarashaad badan isticmaashay kooxda Chelsea oo maamule u ahaa Roman Abramovich kaasoo lacago badan ku bixin jiray suuqa kooxda chalsea.
Maalmahan, arrimuhu way adag yihiin, iyadoo kooxaha ay tahay inay si taxadar leh u dheelitiraan dhaqaalahooda ay ku bixinayaan suuqa si ay uga fogaadaan inay ku xadgudbaan sharciyada Uefa.
kooxaha sida Manchester City iyo Everton ayaa si weyn loo baarayaa hab-dhaqankooda kharash-bixineed, halka ay ku dambaysay, sidoo kale kooxaha Manchester United, Barcelona, Juventus iyo Chelsea ayaa dhammaantood lagu soo rogay cunaqabatayn.
Aan dib u eegno ganaaxyada lagu soo rogay kooxaha ka ciyaara todobada horyaal ee ugu waaweyn Yurub (England,Spain,Italy,Germany,Holland,France iyo Portugal)
Malaga
Kooxda Malaga xilli ciyaareedkii 2012/13 waxaa lagu ganaaxay €300,000 waxaana lagu riday ganaax hal xilli ciyaareed oo ah tartanka Yurub ah.
Xilli ciyaareedkii 2012/13 ayaa Malaga u noqday mid taariikhi ah iyagoo kulankii ugu horreeyay ee champions League ciyaaray, intii uu hogaaminayay Manuel Pellegrini, waxa ay si cajiib ah u soo gaareen wareegga 8-da tartanka Champion League, ka hor inta aysan guuldarro ka soo gaarin Borussia Dortmund.
Sidoo kale Malaga ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii 2012/13 horyaalka La Liga ,shan sano kaddib waxay ku laabteen heerka labaad ee dalka Spain.
PSG
Sannadaha: 2014, illaa 2022
Kooxda PSG ayaa lagu ganaaxay €60m sannadkii 2014-ka, €40m oo ka mid ah ayaa la hakiyay,PSG ayaa tartamada Uefa loo diiwaangaliyay kaliya 21-ciyaartoy, iyadoo ay sare u kacday xayiraadaha kharashaadka suuqa kala iibsiga iyo ganaaxyada kooxda.
Waxaa lagu ganaaxay €10m 2022 taasoo kor u kici doonto €65m haddii ay u hoggaansami waayaan heshiiska ay la gaareen Uefa saddexda sano ee soo socota.
Ma aysan joojin maadaama ay ku guuleysteen horyaalka Ligue 1 2015-kii iyo sidoo kale waxay gaareen wareega 8-da ee Champions League.
Lix horyaal oo kale ayay ku guuleysteen iyagoo gaaray finalka Champions League sanadkii 2021-ka, inkasta oo koobka laga qaaqay
Man City
2014-kii Man City waxaa lagu ganaaxay €60m, taasoo €40m oo ka mid ah la hakiyay, kooxdooda ayaa tartamada UEFA ayaa laga dhigay 21-ciyaartoy, waxaana lagu soo rogay xayiraad dhanka kharashaadka suuqa kala iibsiga ah iyo ganaaxyo labo sano ah kooxda City.
Manchester City ma muujinayso wax calaamado ah oo sii yaraanaya, dhab ahaantii, waxay hadda soo gabagabeeyeen mid ka mid ah xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa kubada cagta Ingariiska 2022/23.
City waxaa hadda ku socda baaritaan ku saabsan jebinta sharciga dhaqaale wanaaga.
Bayaan uu soo saaray Premier League horaantii sanadkan ayaa lagu sheegay in Man City ay jabisay in ka badan 100 sharci dhaqaale wanaag tan iyo 2009.
Waxaa ku jiray sharciyo ku xeeran mushaaraadka ciyaartoyda iyo xisaabaadka kale ee dakhliga iyo kharashaadka, Waa la arki doonaa marka baaritaankan lagu soo daro laakiin City waxay ku doodayaan iney wax dembi ah laheyn
AC Milan
Sannadaha: 2019,illaa 2022
2019-kii, waxaa laga mamnuucay tartamada Yurub muddo sanad ah waxaa lagu ganaaxay €15m sanadkii hore ee 2022, iyadoo €2m horay looga dalbaday.
Kaddib jebinta sharciga Financial Fair Play, Milan ayaa racfaan ka qaadatay, Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha Court of Arbitration for Sport (CAS) ) maxkamada ayaa ku xukuntay in laga mamnuuco ka qayb-galka mid ka mid ah tartamada Yurub ee UEFA sanadkii 2019/20.
UEFA ayaa markii hore ganaaxday Rossoneri kaddib markii ay u hogaansami weyday shuruucda qarashka intii dhaxeysay 2015 illaa 2018.
Saddexdii sano ee ka horreysay, Milan waxay gaartay wareegga 16-ka ee Europe League (2020/21) iyo semi-finalka Champions League (2022/23).
2023, Uefa waxay ku dhawaaqday Milan inay buuxisay waajibaadkooda dhaqaale wanaaga ee sanad maaliyadeedka 2022/23, iyadoo kooxda Talyaaniga bixisay €2m oo ganaax ah iyo € 15m oo lagu ganaaxay 2022-kii
AS Roma
2022 ganaax lacageed oo dhan €35m, inkastoo ay tahay in lacagta €5m la bixiyo ka hor inta aysan Uefa xukumin in ay bixiyaan inta soo hartay iyadoo ku xiran u hoggaansanaantooda.
Wax ka yar hal sano kaddib markii ay Roma u gacan galisay ganaaxooda, Uefa ayaa war wanaagsan siisay finalkii Europa League ee xilli ciyaareedkii hore.
Maamulka Yurub ayaa ku dhawaaqay in Giallorossi uu si buuxda u raacday shuruudaha jebinta xitaa shuruudaha loo dejiyay sanad maaliyadeedka 2022, si looga fogaado ganaaxyo kale oo suurtagal ah ama mamnuucista tartanka.
Inter Milan
2022 waxaa lagu ganaaxay €26m, iyadoo €4m horey looga rabay.
UEFA ayaa xaqiijisay in Inter Milan ay u hogaansantay shuruucda FFP oo ku saleysan qiimeyntoodii ugu dambeysay.
Maamulka kubbadda cagta Yurub ayaa soo saaray bayaan kaasoo ay ku xaqiijiyeen in Nerazzurri ay ka mid tahay kooxaha aan ku xadgudbin shuruudaha dhaqaale wanaaga xilli ciyaareedkii 2022-23 iyadoo lagu saleynayo heshiis dhawaan la gaaray.
Sida dhammaan kooxaha kubbadda cagta Yurub, Inter waxay ka shaqaynaysaa inay u hoggaansanto shuruudaha Financial Fair Play.
UEFA waxay soo saartay ganaax lacageed oo dhan €26m sababo la xiriira jebintii hore.
bishii Sebtembar ee sannadkii hore, Nerazzurri waxay heshiis la gashay UEFA, heshiiskan ayaa hoos u dhigay lacagta ganaaxa ah ee ay Inter ku bixin lahayd 4 milyan oo euro.
Intaa waxaa dheer, waxay sidoo kale la siisay inter shuruudo yar oo kala duwan si ay ugu hoggaansamaan shuruucda dhaqaale wanaaga.
Juventus
2022, illaa 2023
Waxaa lagu xukumay ganaax hal sano ah tartamada Yurub 2023 iyo 20 milyan euro oo lagu ganaaxay 10 milyan oo kamid waxay bixin doonaan haddii ay jabiyeen xeerkan sanadaha soo socda
Maamulka Yurub ayaa Juventus ka mamnuucay inay u tartamaan xilli ciyaareedka 2023/24 ee Europa League, taasoo beddelkeeda ay ciyaari doonto kooxda Fiorentina wareega isreeb-reebka oo bilaabmaya 24 – Agoosto
Barcelona
2023 Uefa waxay ku xukuntay Barcelona €500,000 kaddib markii ay si khaldan u soo tebiyeen, sanad maaliyadeedkii 2022, faa’iidada ku saabsan tuurista hantida aan la taaban karin (marka laga reebo wareejinta ciyaartoyda) kuwaas oo aan ahayn dakhli ku habboon sharciga,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Uefa.
Wiilasha Xavi ayaa loo caleemo saaray horyaalnimada Spain xilli ciyaareedkii hore, iyagoo soo afjaray abaar afar sano ah, waxayna raadin doonaan inay qaadaan Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2015 xilli ciyaareedka soo socda.
Chelsea
Sannadka 2023
Uefa waxay ku xukuntay Chalsea €10m ganaax ah ” gudbinta macluumaadka maaliyadeed ee aan dhamaystirnayn” xilligii Roman Abramovich.
Tan ayaa dharbaaxo ku ah milkiilayaasha Chelsea oo ay hogaaminayaan Todd Boehly iyo shirkada Clearlake Capital kaddib sanadkii ugu horeysay ee niyad jab leh, iyagoo ku dhameystay kaalinta 12aad ee Premier League xilli ciyaareedkii hore kii ugu xumaa tan iyo 1993/94.
Chelsea ayaa kharashgareysay ku dhawaad 600 milyan ginni tan iyo imaatinka Boehly, halka tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino loo xilsaaray inuu wax ka bedelo qaab ciyaareedkooda garoonka.
Man Utd
2023 Uefa ayaa man united ku ganaaxday €300,000 ganaax oo jebinta xeerka dhaqaale wanaagga muddo afar sano ah inta u dhaxaysa 2019 illaa 2022.
Man Utd ayaa la fahamsan yahay inay ka niyad jabsan tahay ganaaxan ku saabsan xisaabinta khasaaraha inta lagu jiro xilliyada uu saameeyay Covid, laakiin waxay aqbaleen inay sameeyeen jebinta, waxaa sidoo kale la fahamsan yahay in xaaladdu aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin awoodda kooxda si ay u xoojiso Erik ten Hag kooxda xagaagan.
AS Monaco
2022 waxaa lagu ganaaxay €2m, iyadoo €300,000 horay looga rabay
Monaco waxay u baahan doontaa inay dib ugu soo laabato u hoggaansanaanta xeerarka FFP, laakiin wax ciqaab ah lama saari doono ugu yaraan illaa xilli ciyaareedka 2025/2026.
Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa looga baahan yahay inay isku dheelitiraan dhaqaalahooda si ay uga fogaadaan cunaqabatayn dheeraad ah.
Marseille
2019, illaa 2022 Waxaa lagu ganaaxay €3m jebinta heshiiska iyadoo tirada ciyaartoyda kooxda ee tartamada Yurub la xaddiday.
Si la mid ah kooxda ay xafiiltamaan ee Ligue 1, Monaco, Olympians waxay u baahan doonaan inay dib ugu soo laabtaan u hoggaansanaanta xeerarka FFP, laakiin wax ganaax ah lama saari doono ugu yaraan illaa xilli ciyaareedka 2025/2026.
si kastaba ha ahaatee, waxaa weli looga baahan yahay inay dheelli tiraan dhaqaalahooda si ay uga fogaadaan cunaqabatayn dheeraad ah.
Astaansports