2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMan CityPremier LeagueWararka

Xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyey kulankii ay Man City guusha ku furatay horyaalka Premier League 2023/24

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xalay billowday difaacashadeeda horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan cusub, waxaana ay guul 3-0 ah ka soo gaartay Burnley oo ay booqatay.

Erling Haaland ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay, xilli goolka saddexaadna uu raacsaday Rodri.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa rikooradii laga diiwaan geliyey kulankii ay Man City ka adkaatay Burnley ee lagu daah rogay horyaalka Premier League 2023/24.

Rodrigo scores Manchester City’s third goal during the Premier League match between Burnley FC and Manchester City at Turf Moor on August 11, 2023 in Burnley, United Kingdom.

>- Burnley ayaa guuldarro la kulantay kulankeeda furitaanka xilli ciyaareedka horyaalka Premier League markeedii saddexaad.

>- Kooxda Manchester City ayaa haatan guul ka gaartay Burnley 12 kulan oo xiriir ah, waxaana ay muddadaas ka dhaliyeen 43 gool, iyadoo Burnleyna ay dhalisay kaliya hal gool.

 >- Man City ayaa sidoo kale guuleysatay siddeed kulan oo xiriir ah oo ay wajahday Burnley iyadoo xitaa aan wax gool ah laga dhalin (5-0, 3-0, 5-0, 2-0, 2-0, 2-0, 6-0 & 3-0) cel-celis ahaan Man City waxa ay siddeedaad kulan ka dhalisay Burnley 25 gool, iyadana waxba lagama dhalin.

>- Erling Haaland waa kaliya ciyaaryahankii labaad ee dhaliya labo goo lama wax ka badan kulanka furitaanka kooxdiisa ee xilli ciyaareedka horyaalka Premier League labo xilli ciyaareed oo isku xiga ayuuna sidaas sameynayaa, waxaana sidaas oo kale uu labo gool dhaliyey kooxda West Ham kulankii billowga u ahaa fasal ciyaareedkii hore ee 2022-23, waxaana kaga horreeyey rikoorkaas Didier Drogba oo kal ciyaareedkii 2009-10 labo gool ka dhaliyey Hull City kulankii furitaanka horyaalka iyo xilli ciyaareedkii 2010-11 oo saddex gool uu ugu shubay West Brom, isagoo ka tirsanaa kooxda Chelsea.

>- Erling Haaland ayaa haatan 100 gool ka dhaliyey shanta horyaal ee ugu waa weyn qaadda Yurub, isagoo kaliya jira 23 sano, Dortmund waxa uu u dhaliyey 63 gool, halka Man City uu u saxiixay 37 gool, kaliya Robert Lewandowski ayaana dhaliyey goolal ka badan tan iyo markii uu Haaland saftay kulankiisii ugu horreeyey bishii Janaayo ee sanadkii 2020, waxaana Lewandowski uu horyaallada waa weyn ee Yurub ka dhaliyey tan iyo markaas 114 gool.

>- Kaarkii casaanka ahaa ee ugu horreeyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxaa xalay guddoomay Zaroury oo ka tirsan Burnley kaddib markii uu qalad halis ah ku galay Walker.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button