Haaland oo 100 gool ka dhaliyey horyaallada waa weyn ee Yurub, kana horreeya CR7 & Messi
Kooxda Man City ayaa guul weyn ku bilaabatay difaacashadeeda horyaalka Premier League, waxaana ay xalay 3-0 ugu awood sheegteen naadiga Burnley oo ay marti u ahaayeen.
Man City ayaa inta badan maamuleysay kulankan, inkastoo ay dadaal badan muujisay kooxda kal ciyaareedkan uun u soo dhallacday horyaalka Premier League ee Burnley.
Erling Haaland ayay indhuhu hayeen maadaama uu ahaa xiddiga ku soo guuleystay gooldhalinta horyaalka Premier League kal ciyaareedkii hore, balse dadkii shakiga ka qabay ayuu isku caddeeyey kaddib markii ay ku qaadatay inuu shabaqa soo taabto afar daqiiqo, isla markaana uu furto akoonkiisa goolasha eek al ciyaareedka cusub, waxaana uu raacsaday goolkiisa labaad isla qeybtii hore ee ciyaarta.
Qeybtii labaadna xiddiga khadka dhexe ee Rodri ayaa bandhigga goolasha u soo xiray kooxda kubadda cagta Manchester City.
Haddaba labadaas gool oo uu haaland ka dhaliyey kooxda Burnley ayaa ka dhigan inuu haatan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ka dhalinayo 100 gool.
Kulamada horyaallada waa weyn ee Yurub, Erling Haaland ayaa haatan ka maraya 100 gool tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyey sanadkii 2020, isagoo kaliya jira 23 sano.
Haaland ayaa Borussia Dortmund u dhaliyey 63 gool, halka Man City uu u saxiixay 37 gool, kaliya Robert Lewandowski ayaana dhaliyey goolal ka badan tan iyo markii uu Haaland saftay kulankiisii ugu horreeyey 18-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2020.
Tan iyo markaas Haaland waa xiddiga labaad ee ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub kaddib Robert Lewandowski oo tan iyo 18 January 2020 horyaallada waa weyn ee Yurub ka dhaliyey 114 gool.
Mbappé, Benzema, Kane, Immobile, Salah, Ben Yedder, CR7 iyo Messi ayaa sare u eegaya Haaland, marka la eego goolasha ay ka dhaliyeen shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub tan iyo markii uu haaland kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaray Dortmund 18-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2020.
Astaan Sports