Premier LeagueWararka

Carlos Tevez oo u wajaabay dadka ku dhaliilay inuu lacag darteed u aaday dalka Shiinaha

Weeraryahankii hore ee kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Juventus ee Carlos Tevez ayaa markii ugu horreysay u wajaabay dadka ku dhaliilay inuu lacag darteed u aaday dalka Shiinaha.

Tevez ayaa sanadkii 2016 u dhaqaaay kooxda Shanghai Shenhua ee dalka Shiinaha.

Carlos Tevez ayaana yiri: “Dad badan ayaa igu dhaliilay markii aan aaday Shiinaha, laakiin marka xaqiiqada loo hadlo dadkaasi dad garanaya ma ahayn taariikhdeyda, dhegeyso waxbaan kuu sheegayaa, markii aan tagay Corinthians waxay ahayd labo weji, markii koowaad iyo markii labaad ee waayahayga (wayna kala duwanaayeen).

“Heshiiskii Shiinaha waxaan ku helay lacag fara badan, laakiin ma garanaysaa wixii aan lacagtaasi ku qabtay? Waxaan wakiilkayga u sheegay in aan lacagtaa u baahnayn, laakiin aan doonayo in aan ku iibiyo 15 guri oo waa weyn si aan qoyskeyga uga saaro xaafadda isku raranka ah ee Fuerte Apache (Argentina).

“Ma jirto qof arrintaa fahamsan, laakiin waxaan isku dayayaa inaan taageero Walaalahay, Adeeradey iwm, haddii aad tiro ahaan u rabtana waa illaa 60 qofood. Waxaan wax walba u sameynayay si jiilka Tevez ay nolol fiican iyo waxbarasho u helaan oo aysan u marin wixii aan anigu soo maray”.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button