SAWIRRO: Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo tababar u furay macalimiin da’yar.
Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa tababar u furay macalimiin da’yar ah, tababarkan oo ah mid sare loogu qaadayo aqoonta macalimiintan ku soo biirayo iney maamulaan kubbadda cagta Soomaaliya.
Tababarkan waxaa ka qayb-galay 30-macalin oo horey u maray imtixaan, waxaana uu qayb ka yahay qorshaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya si loo hormariyo aqoonta iyo xirfada macalimiinta hamiga sare ka leh iney maamulaan kooxaha kala duwan ee dalka.
Waxaa tababarka bixinayay macalimiin ka tirsan waaxda farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu hor kacayo Agaasimaha farsamada Cawil Ismaaciil.
Waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya kuwaasi oo ugu baaqay in macalimiintan ay ka faa’ideystaan inta uu socdo Siminaarkan kor loogu qaadayo aqoonta macalimiinta Soomaaliyeed ee mustaqbalka ka leh kubbadda cagta Soomaaliya.
Si kastaba waa markii ugu horreysay uu xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu u qabto tababar macalimiin da’yar ah oo hami sare kaleh maamulida kooxaha kubbadda cagta dalkeenna Soomaaliya.