Macalin Daadir Amiin oo katagay shaqada kooxda Gaadiidka.

Macalinka kooxda kubbadda cagta Gaadiidka Daadir Amiin ayaa shaqada macalinimo katagay shalay kaddib markii uu hoggaamiyay kulankiisa ugu dambeeyay koobka General Daa’uud Cup 2023.
Markii ay soo dhammaatay ciyaartii u dhexeysay kooxaha Gaadiida & Dekedaha kana tirsanayd wareegga afar dhammaadka koobka General Daa’uud Cup, macalin Daadir Amiin ayaa u xaqiijiyay Astaan Sports inuu katagay shaqada kooxda Gaadiidka.
Waxaan katagay shaqada macalinimo ee kooxda Gaadiidka waxaana u rajeenayaa guulo, kooxdan waa koox weyn oo haysato maamul iyo ciyaartoy aad u wanaagsan ayuu u sheegay Astaan Sports.
Astaan Sports ayaa weydiisay haddii ay jiraan kooxo la soo xiriiray waxaana uu macalin Daadir ku jawaabay inuu dhageysan doono dalab kasta diyaarna uu u yahay inuu ku caawiyo xirfaddiisa macalinimo kooxaha ka dhisan dalka laakiin uu hadda u baahan yahay inuu nasto.
Macalin Daadir Amiin ayaa loo magacaabay kooxda Gaadiidka dhammaadka xilli ciyaareedkii 2020-2021 waxaana uu kooxda Gaadiidka ka badbaadiyay iney u laabto horyaalka heerka labaad isagoo hoggaamiyay 7-kulan wuxuu adkaaday 5-kulan 1-kulan barbaro ayuu galay 1-kulana waa laga adkaaday xilli ciyaareedkii 2020-2021.
Xilli ciyaareedkii labaad 2021-2022 wuxuu kooxda Gaadiidka u qaaday horyaalka Somali Premier League kaddib muddo 32-sanno, wuxuuna hoggaamiyay 16-kulan oo horyaalka ah wuxuu adkaaday 10-kulan oo kamid ah waxaa laga adkaaday 4-kulan halka 2-kulan uu barbaro galay sidaas ayayna kooxda Gaadiidka ku noqotay horyaalka Somaaliya.
Macalin Daadir Amiin ayaa kooxda Gaadiidka gaarsiiyay wareegga afar dhammaadka tartanka General Daa’uud Cup 2023, waxaana shalay uu guuldarro gool-kulaadyo ah kala kulmay kooxda Dekedaha kulan ka tirsanaa afar dhammaadka koobka kubbadda cagta General Daa’uud Cup 2023.

