Xulka qaranka Soomaaliya oo berri kulan saaxiibtinimo ciyaari doona.
Xulka qaranka Soomaaliya oo ku jiro diyaar garow ayaa berri oo khamiis ah la ciyaari doono kulan saaxiibtinimo qaar kamid ah ciyaartoyda Ajaanibta ah ee u ciyaaro kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Somali Premier league.
Warqad codsi oo ka timid xafiiska xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay kooxaha ay u ciyaaraan ciyaartoyda Ajaaniibta iney aqbalaan in xiddigahooda ay kulan saaxiibtinimo la ciyaaraan ciyaartoyda xulka qaranka dalkeenna Soomaaliya oo ku jiro diyaar garow ka hor safari heer caalami ah oo dalka dibadiisa.
Kulankan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka kubbadda cagta Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis berri oo khamiisa ah.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa dhawaan u magacaabay macalinka koowaad xulka qaranka Soomaaliya Rachid Lousteque oo u dhashay dalka Morooco, halka Macalin Yuusuf Cali Nuur loo magacaabay macalinka labaad ee la shaqeen doono waxaana tan iyo markaasi jiray dhaqdhaqaaqyo iyo isbeddelo lagu sameynayo xulka qaranka Soomaaliya.
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa isku diyaarinayo ka qeybgalka isreeb-reebka koobka CHAN oo dhici doona bisha September & sidoo kale isreeb-reebka koobka Adduunka 2026.