Koob lagu maamuusayo maalinta Nabadda Adduunka oo ka furmayo galabta garoonka Wiish
Waxaa galabta garoonka kubbadd kolayga Wiish Stadium si rasmi ah uga furmi doono tartan lagu maamuusayo maalinta Nabadda Adduunka 2023.
Tartanka oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga, waxaa ka qeybgalayo kooxha kala Gift Stars, Horseed, Heegan iyo Dekedaha.
Kulanka koowaad ayaa galabta dhexmari doono kooxaha Gift Stars iyo Horseed, waxaana kulanka labaad ciyaari doono beri oo Arbaco ah Heegan iyo Dekedaha, halka maalinta khamiista 21 September 2023 oo ku asteesan maalinta Nabadda Adduunka ay fiinaalka tartanka ciyaari doonaan labada naadi ee u soo gudbo fiinaalka tartanka lagu maamuusayo maalinta Nabadda Adduunka 2023.
Dhanka kale guddiga tartanka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga aya dib u dhigay dib u bilaashada Horyaalka kubbadda Kolayga Soomaaliya 2022-2023 iyadoo horey loo qorsheeyay maalinta Arbacada 20 September, waxuuna Guddiga dib ka shaacin doonaa xilliga Horyaalka dib loo amba qaadi doono.