Xilliga uu furmo doono horyaalka heerka labaad ee dalka oo lagu dhawaaqay
Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xilliga uu bilaaban doono horyaalka heerka labaad ee dalka oo hakad ku jiray muddo labo sano ah.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xiriirka kubbadda cagta S oomaaliya ayaa lagu sheegay in horyaalka heerka labaad ee dalka uu furmi doono 27/10/2023 oo ku beegan maalin Jimco ah.
Kulanka furitaanka waxaa wada ciyaari doono kooxaha Waxool & Gantaalaha Afgooye, kulankan ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.
Horyaalka heerka labaad ee dalka oo aan la ciyaarin muddo 2 sano ah waxaa markii ugu dambeysay ku guuleysatay kooxda Badbaado oo hadda ka mid kooxaha ka ciyaaro horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League, halka kaalinta labaad ay ku dhammaysatay kooxda Saxafi.
Horyaalka heerka labaad waxaa sanadkan ka qaybgalayo 13-kooxood waana markii ugu horreysay oo tiro intaas ah ay ciyaaraan, iyadoo sidoo kale meesha laga saaray horyaalkii heerka saddexaad ee dalka.