Koob lagu maamusaayo ku biirista Soomaaliya ku biirtay EAC oo galabta la ciyaari doono.
Kooxaha Jeenyo & Dekedaha oo ka mid kooxaha ka ciyaaro horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League, ayaa galabta wada ciyaari doono Koob lagu maamusaayo ku biirista ay Soomaaliya ku biirtay ururka Bulshada Bariga Africa EAC.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, taas oo hakad gashay illaa doorashadii Soomaaliya ka dhacday taas oo uu ku soo baxay madaxweynaha hadda haya talada Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud.
Kulanka galabta ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium sidoo kale kulankan wuxuu tijaabo hordhac ah u yahay garoonka oo qalab cusub lagu soo kordhiyay ka hor bilaabashada tartanka maamul goboleedyada oo 22-ka bishan ka furmi doono Muqdisho.