SAWIRRO: Tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furmay
Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir, iyadoo kulanka furitaanka ay ka soo qayb-galeen madaxda ugu sareyso dalka uu horkacayay ๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ sidoo kale waxaa garoonka ku sugnaa Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Maxamed Bare, Guddoomiyaha XKCS Cali Shiine, Madaxda Amniga dalka uu hoggaaminayay Agaasimaha Nabad sugida Soomaaliya Mahad Salaad, Fanaaniin iyo marti sharaf kale.
Kulanka furitaanka oo u dhexeeyay xulalka Galmudug & Hirshabeelle ayaa lagu ciyaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium, waxaana labada xul ay soo bandhigeen kubbad aad u qurux badan.
Qaybtii koowaad ee ciyaarta waxaa hoggaanka qabatay xulka Galmudug kaddib markii uu diilinta ganaaxa qalad ku galay daafaca lambarka 2-aad ee xulka Hirshabeelle Jamaal Jeylaani Maxamed, taasoo keentay in laga dhigo gool-kulaad waxaana gool u beddelay daqiiqadii 20-aad ciyaaryahanka xulka Galmudug lambarka 19-aad u xirto ย Maxamed Saciid Aadan Xeyraan, waxaa lagu nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay Galmudug.
Marka dib la isug soo laabtay qaabtii labaad ee ciyaarta xulka Hirshabeelle waxay soo bandhigeen ciyaar ka duwan qaybtii hore taasoo ahayd mid inta badan weerar ku dhisneed kaddib beddelo uu sameeyay macalinka Hirshabeelle macalin Cabaas taas oo wax weyn ka beddeshay ciyaarta, dhammaadkii kulanka waxaa ciyaarta barbaro ku soo celiyaya ciyaartahanka lambarka 19-aad Yaasiin Cabduraxmaan Yuusuf oo ciyaarta beddel ku soo galay waxaana uu ka faaโiideystay kubbad qaladkeeda uu lahaa goolhayaha xulka Galmudug, waqtigii lagudaray ciyaarta waxaana natiijada ay ku soo dhammaatay 1-1 oo labada xul ay ku kala baxeen.
Garsooraha kulanka furitaanka wuxuu ahaa Cumar Cabduqaadir Cartan iyadoo caawiyaha koowaad uu ahaa Aadan Cali Ciid halka caawiyaha labaad uu ahaa Axmed Cabddullaahi Baroodo sidoo kale sargaalka afaraad ee ciyaarta wuxuu ahaa Cabddullaahi Xaaji
Garsoore Cumar Cartan ayaa bixiyay shan kaar oo ah kaarka hurdiga, xulka Hirshabeelle waxaa la siiyay saddex kaar waxaana kaarkii ugu horreeyay qaatay, Maxamed deeq Cabdi Cali lambarka 12-aad daqiiqadii 24-aad, Maxamed Ibrahim Cabdullahi lambarka 5-aad daqiiqadii 27-aad iyo Yasin Cabdudirahman Yusuf lambarka 19-aadย daqiiqadii 80-aad ee kulanka.
Xulka Galmudug waxaa la siiyay labo kaar oo ah kaarka hurdiga waxaana kala qaatay Siid cumar Axmed lambarka 63-aad daqiiqadii 48-aad iyo Axmed Cabdiraxmaan lambarka 21-aad daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta.
In ka badan 60-kun oo taageerayaal ayaa soo xaadiray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana ay kala taageerayeen labada xul, tartanka maamul goboleedyada & gobolka banaadir waxaa sanadkan ka maqan xulka Putland
Xulalka kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Koofur galbeed, iyo Banaadir ayaa ah xulalka ka qayb-galayo, waxaana ciyaaraha ay noqon doonaan in dhammaan xulalka ay is wada arki doonaan waxaana marka uu dhammaado is araga koowaad ee xulalka lagu kala saari doonaa afarta xul ee ugu dhibcaha badan taas oo ka dhigan in hal xul uu hari doono isa araga koowaad ee ciyaaraha tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir 2023/24.