Maxay tahay sababta dib loogu dhigay kulankii u dhexeeyay Banaadir & Galmudug.
War qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha ayaa lagu sheegay in kulankii u dhexeeyay Gobolka Banaadir iyo Galmudug laga dhigay berri oo isniin ah.
Kulankan oo ahaa in la ciyaaro maanta ayaa lagu sheegay sababaha dib loogu dhigay in ay tahay dib u habeen lagu sameynayo qaybo ka mid ah garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium.
Banaadir iyo Galmudug ayaa ka mid ah xulalka ugu taageeraha badan tartanka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir, waxaana Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha oo kaa shaneyso XKCS ay si wadajir u sheegeen in loo baahan yahay si loo xakameeyo taageerayaasha in la furo albaab kale oo ay ka soo gali karaan taageerayaasha labada dhinac si looga fogaado ciriiri iyo rabshado tageerayaasha dhexdooda ah.
Xulalka Banaadir iyo Galmudug ayaa horey u soo wada ciyaaray labo kulan tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka banaadir, waxaana ciyaartii koowaad ay ku kulmeyn guruubka taasoo ku dhammaatay 2-2 sidoo kale waxay mar kale isla tartankaasi ku kulmeyn fiinaalka waxaana natiijada ku soo dhammaatay 2-2 iyadoo gool kulaadyo ay ku qaaday koobka Gobolka Banaadir.