WARARKA MAANTA
Guddiga Racfaanka XKCS oo diiday racfaankii Gobolka Banaadir.
Guddiga Racfaanka Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa diiday warqadii Racfaanka ahayd ee ka soo baxday maamulka ciyaaraha gobolka banaadir taas oo ahayd in dib loo eego dhibcihii laga qaaday gobolka banaadir kulankii ay la ciyaareen xulka Hirshabeelle tartanka kubbadda cagta maamul goboleedyada & gobolka banaadir.
War qoraal oo ka soo baxday xafiiska Guddiga Racfaanka Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aankii hore ee ahaa in dhibcaha laga qaado xulka gobolka banaadir aan waxba laga beddeleen, laakiin guddiga Racfaanka wuxuu baa’biiyey dhammaan calaamadihii ganaaxyada ee labada dhinac.
Sida ku cad warqada hoose ee ka soo baxday xafiiska guddiga racfaanka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya.