SAWIRRO: Xaflad lagu maamuusayay garsoore Cumar Cartan oo Muqdisho lagu qabtay.
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay garsoore Cumar Cartan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Muddane Maxamed Bare, Wasiirka arrimaha guddaha Dowlada Soomaaliya Muddane Axmed Fiqi, Guddoomiyaha XKCS Muddane Cali Shiine xubno ka socday shirkadaha caalamiga ee ka howlgalo dalka Garsoorayaal warbaahinta guddaha iyo marti sharaf kale.
Waxaa xafladda qudbado kala duwan ka jeediyay dhammaan madaxdii ka soo qaybgashay waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyay Garsoore Cumar Cartan Abaal-marino kala duwan oo ay ugu talagaleen madaxdii ka soo qaybgashay maamuuska loo sameeyay garsoore Cartan.
Garsoore Cumar Cartan oo ka mid ah garsoorayaasha u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta FIFA, ayaa noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Africa ee CAF ay u soo xusheyn inuu maamulo ciyaarihii tartanka qaramada qaaradda Afrika ee Afcon oo bishii hore lagu soo gabagabeeyay dalka ivory coast.