Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Austria vs France – Xulka Les Bleus guul maku bilaaban karaa tartanka?

Weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska ee Kylian Mbappe ayaa sheegay in kooxdiisa cusub ee Real Madrid aysan u ogolaan doonin inuu ka ciyaaro xagaagan ciyaaraha Olombikada ee Paris.

25-sano jirkaan oo sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro meel ka baxsan dalkiisa ayaan loo soo xulin xulka qaranka France ee ku meel gaarka ah ee ciyaaraha Olombikada oo la shaaciyey 3-da bishan June, sababtoo ah Real Madrid ayaa sheegtay in ciyaaryahan kasta oo ku tartamaya Euro 2024 uusan ka ciyaari karin ciyaaraha Olombikada.

Waxa uu ogolaaday inuu si xor ah ugu biiro Real Madrid marka uu dhammaado heshiiskiisa Kooxda Paris St-Germain oo ku eg 30-ka bisha June.

Tartanka Olombikada ee Ragga wuxuu bilaabanayaa 24-ka July, waana 10 maalmood kaddib finalka Euro 2024, wuxuuna dhammaanayaa 9-ka bisha Agoosto, waana wax ka yar hal toddobaad ka hor billaabashada xilli ciyaareedka ee horyaalka La Liga.

Faransiiska oo labo jeer ku guuleystay koobka qaramada Yurub ayaa ka mid ah xulalka ugu cad cad ee loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan Euro 2024.

Tababare Didier Deschamps ayaa doonaya inuu noqdo shaqsigii labaad ee ku guulaysta tartanka koobka qaramada Yurub ee Euro isagoo ciyaartoy ah iyo isagoo tababare ah labadaba, kaddib Berti Vogts oo u dhashay dalka Jarmalka.

Xualka Austria iyo France ayaa Group-ka D ee tartanka EURO 2024 kula jira dalalka Poland iyo Netherlands.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Austria vs France.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 17 June 2024.

Saacadda: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Merkur Spiel-Arena.

Garsooraha ciyaarta: Jesus Gil (Spain).

Wararka labada kooxood:-

Maadaama uu maqan yahay David Alaba, Marcel Sabitzer ayaa noqon doona kabtanka xulka qaranka Austria ee Euro 2024.

Maqnaanshaha Xaver Schlager ee xulka Austria ayaa albaabka u furaysa inuu Nicolas Seiwald ku soo bilowdo safka hore.

Kylian Mbappe ayaa xanuun dameeray isbuucaan, balse waxaa lagu wadaa inuu ku soo bilowdo kulanka caawa.

Dhaawaca canqawga ah ee Aurelien Tchouameni u diiday inuu ciyaaro final-kii Champions League horraantii bishaan ayaa wadada u xaari kara in xulka France safka hore ugu billowdo N’Golo Kante.

William Saliba ayaa laga yaabaa inuu fariisto kursiga keydka kulankan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Xulalka Austria iyo France ayaa horay u kulmay 25 jeer, waxaana 13 ka mid ah adkaaday xulka France, halka Austria ay badisay 9 kulan, waxaana ay barbaro galeen 3 kulan.

-> Xulka Austria lagama adkaan 15 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaareen, waxaana ay wataan 12 guul, 3 barbaro iyo 1 guuldarro.

-> Marcel Sabitzer iyo Marko Arnautovic ayaa noqon kara xiddigihii ugu horreeyey ee xulka Austria u ciyaara saddex tartan oo waa weyn.

-> Faransiiska ayaa labo jeer ku guuleystay Tartanka Euro, waana sanadihii 1984 iyo 2000,  waxaana ay finalka gaareen saddex ka mid ah afartii tartan ee ugu dambeeyay Euro.

-> Xulka France waa guuldarro la’aan (unbeaten) Tartammada Euro iyo Koobka Adduunka marka lagu ciyaarayo Jarmalka, waxaana ay ciidda Jarmalka marka ay ku ciyaarayaan labadaan tartan ay haystaan 5 guul iyo 3 barbaro.

-> Kani waa koobkii lixaad ee EURO oo uu ka soo muuqdo tababaraha France ee Didier Deschamps – saddex jeer waa ciyaaryahan ahaan (1992, 1996, 2000) iyo halka saddex jeerna uu ka soo muuqanayo isagoo tababare (2016, 2020, 2024). Waxa uu hal guul u jiraa inuu xaqiijiyo guushiisii 100-aad, waxaana uu hadda haystaan 99 guul, 30 barbaro iyo 24 guuldarro.

->  Olivier Giroud ayaa hoggaaminaya gool dhalinta Xulka France wuxuuna dhaliyay 57 gool.

-> Kaliya Hugo Lloris oo saftay 145 kulan iyo Lilian Thuram oo dheelay 142 kulan ayaa ka safasho badan Giroud oo ciyaaray 133 kulan.

-> Mbappe ayaa ku lug yeeshay 24 gool oo toos ah, waxa uu dhaliyey 10 gool, isagoo caawiye ka ahaa 10 gool oo kale 14-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray xulkiisa France.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button