Horudhac: Ukraine & Romania oo markii ugu horreysay ku kulmayo tartanka Euro 2024
Waxaa galabta wada ciyaari doono xulalka kala ah Ukraine & Romania tartanka Euro 2024 kulankooda furintaanka ciyaaraha Guruubka E
Warka labada xul
Ukraine ayaa laga yaabaa inay weydo daafacooda Vitaliy Mykolenko, kaas oo dhaawac canqowga ah uu ka soo gaaray kulankii Merseyside derby isagoo u ciyaaraya kooxda Everton, waxaana tan iyo markaasi kaliya uu ciyaaray 45 daqiiqo kulankii saaxiibtinimo ee Ukraine ay la ciyaartay Poland.
Macalinka xulka qaran Ukraine Rebrov waxa uu sheegay in 25-jirkan uu si adag tababar u qaadanayo uuna si dhakhso ah ugu soo laaban doono garoomada.
Dhanka kale xulka kubbadda cagta Romania ma qabaan wax dhawac ah waxayna haystaan koox dhammaystiran.
Xaqiiqooyinka ciyaarta
Waa markii ugu horreysay xulalka kubbadda cagta Romania iyo Ukraine ay ku kulmaan tartan weyn iyagoo lix jeer isaga horyimid kulamo saaxiibtinimo, Romania ayaana ka gacan sareysay Ukraine kulamadaas (Saddex guul ah hal barbardhac iyo labo guuldarro ah).
Angel Iordanescu iyo Edi Iordanescu ayaa noqon doona aabbe iyo wiilkiisa oo taariikhda macalin u noqda Koobka Qaramada Yurub xulka Romania.
Angel Iordanescu oo ah aabaha dhalay Edi Iordanescu wuxuu ahaa tababaraha Romania koobkii Euro 1996, xilligaasi wax guul ah lama gaarin Romania waxaana uu la kulmay saddex guuldarro ah sidoo kale Euro 2016 ayuu ahaa macalinka Romania wax guul ah lama gaarin waxaana uu la kulmay labo guuldarro ah iyo hal barbaro ah saddex ciyaar uu hoggaamiyay xulka Romania, sidoo kale wuxuu ahaa macalinka Romania laba koob Adduun sanadihii 1994, iyo 1998.
Romania ayaa ku guuldareysatay inay adkaato kulankoodii furitaanka guruubka mid ka mid ah shantii kulan ee horey u soo ciyaartay koobka qaramada Yurub waxay la kulmeen saddex barbaro ah iyo labo guuldarro ah.
Waa markii afaraad Ukraine ay ka soo muuqato koobka Qaramada Yuru, kaddib Euro 2012 (oo ay qayb ka ahaayeen martigelinayasha), Euro 2016 iyo Euro 2020.
Ukraine waxay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka qaramada yurub afartii isku day ee ugu horreysay sanadihii (1996-2008).
Siddeedda gool ee Ukraine ay ka dhalisay tartanka qaramada Yurub waxaa u kala dhaliyay shan ciyaaryahan oo kala duwan waxayna kala yihiin Roman Yaremchuk (2 Gool ), Andriy Yarmolenko (2 Gool), Andriy Shevchenko (2 Gool), Artem Dovbyk (1 Gool ) iyo Oleksandr Zinchenko (1 Gool ).
Ogeysiiska ciyaarta
Taariikhda ciyaarta Isniin 17 Juun 2024
Garsooraha kulanka waa Glenn Nyberg oo u dhashay (Sweden)
Garoonka lagu ciyaarayo waa Allianz Arena
Waqtiga 4:00 Pm galabnimo xilliga magaalada Muqdisho.
Astaan Sports