WARARKA MAANTA

Horudhac: Scotland & Switzerland  wax badan ka ogow Euro 2024.

Xulka kubbadda cagta Scotland ayaa raadinayo guushooda koowaad tartanka Euro 2024 kulanka labaad ee caawa ay wajahayaan xulka Switzerland sida uu qabo kabtanka Scotland Andy Robertson.

Haddii caawa laga adkaado Scotland waxay noqon doontaa wax mucjiso ah iney ka soo baxaan Group-ka A.

366 maalmood ayaa laga joogaa markii Scotland ay Norway kaga adkaatay 2-1, gool yimid xilli dambe ciyaar ka dhacday garoonka Ullevaal Stadion Oslo dalka Norway, kana tirsanayd Isreeb-reebka Euro 2024,  taasoo ka caawisay Scotland inay u gogol xaarto u soo bixitaanka tartanka Euro 2024.

Sidoo kale guul ay ka gaareen Georgia ciyaar ka dhacday garoonka Hampden Park ayaa ka dambeysay kaliya labo guul ayay gaareen 11-kii kulan tan iyo markaasi.

Waa inaan ku soo laabanaa heerkeenna ugu fiican ayuu yiri kabtanka Scotland Robertson oo rajo wayn ka qabo iney garaaci doonaan xulka Switzerland oo guul ku soo furtay kulankii koowaad ay soo ciyaareen.

Wararka labada xul yaa ganaax ku seegayo kulankan ama qarka u saaraan ganaaxyo kale..?

Anthony Ralston oo Scotland u dhashay iyo labada ciyaaryahan ee Switzerland, Silvan Widmer iyo Remo Freuler ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya ee group-yada haddii ay jaale qaataan kulankan.

Macalinka Scotland Clarke waxa uu haystaa koox taam ah marka laga reebo daafaca Ryan Porteous oo ganaax ku seegaya kulamada u haray Group A ee Scotland.

Switzerland ayaa ka fiirsan doonta inay ku soo bilowdaan Breel Embolo, kaasoo si wanaagsan kaga soo kabsaday dhaawac ACL bishii April, islamarkaana beddel ku soo galay kulankii Hungary isagoo gool u dhalliyay xulkiisa Switzerland .

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Labada xul ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ku kulmay bishii March 2006, ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday garoonka Hampden Park , xulka Switzerland ayaa  3-1 ku adkaaday xilligaasi.

Guuldarardii Scotland 5-1 ahay ee kala kulantay Germany Jimcihii ayaa ahayd guuldarradii labaad ee ugu cuslayd abid tartan weyn, kaddib markii ay 7-0 ku garaacday Uruguay koobkii Adduunka ee sanadkii 1954-kii.

Switzerland ayaa kaliya laba guuldarro la kulantay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ay ciyaartay Group-yada tartanka qaramada yurub iyagoo adkaaday  7 kulan halka ay bar-baro galeen 5 kulan

Switzerland ayaa dhalisay seddex gool ama wax ka badan seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Euro.

Scotland ayaa loo diiwaangaliyay kaliya hal darbo oo goosha lagu aadiyay kulankii Germany waxay ahayd tiradii ugu yarayd ee ciyaar heer caalami ah ka sameeyaan tan iyo ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Italy bishii May 2016 sidoo kale hal darbo ayay shabaqa ku tuureen.

John McGinn ayaa kasoo muuqday mid kasta oo kamid ah 31-kii kulan ee ugu dambeeyay Scotland, waa kulamadii ugu badnaa uu ciyaaryahan ka soo muuqday Scotland tan iyo Tom Boyd oo ciyaaray 38 kulan oo xiriir ah laga soo bilaabo Agoosto 1995 illaa Juun 1999.

Breel Embolo ayaa shabaqa soo taabtay seddexdii tartan ee ugu dambeyay uu u ciyaaray xulkiisa Switzerland.

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Scotland:

Gunn; Hendry, Hanley, Tierney; Ralston, Gilmour, McTominay, Robertson; McGinn, Christie; Shankland

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo  Switzerland:

Sommer; Schar, Akanji, Rodriguez; Widmer, Xhaka, Freuler, Aebischer; Vargas, Ndoye; Duh

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Arbaco 19-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Ivan Kruzliak oo u dhashay  (Slovakia)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (RheinEnergieSTADION)

Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button