Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Romania vs Netherlands – The Tricolorii miyuu sii wadi doonaa layaabkiisa tartankan?

Memphis Depay ayaa sheegay in koobka qaramada Yurub ee Euro 2024 uu hadda u bilaabmay Netherlands, kuwaasoo aan wali wacdaro ka dhigin tartanka.

Xulka Holland ayaa wareegga 16-ka waxa uu caawa fiidkii kula ciyaari doonaa Magaalada Munich xulka qaranka Romania, laakiin waxaa jira walaac laga muujinayo qaab ciyaareedkooda, gaar ahaan guuldarradii 3-2 ay kala kulmeen Austria kulankoodii ugu dambeeyay ee group-ka.

Depay oo goolkiisii ​​ugu horreeyay ee Koobka Qaramada Yurub dhaliyay ciyaartaas ayaa yiri: “Waa inaan xaqiijinaa inaan wax ka baraneyno qaladaadkeenna.

“Waan wada hadalnay, waanan is dhaleecaynnay, waana wax iska caadi ah in qilaaf uu jiro haddii natiijadu ay u dhici wayso sidaad doonaysaan, waa wax macquul ah inuu jiro xanaaq.

“Laakiin hadda taas gadaal ayaan iska marinnay, waxaa xulka ku dhex jira ruuxiyad wanaagsan, waxaan eegeynaa inaan horay u soconno.”

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ayaa hadalkiisa intaa ku daray: “Tartanku hadda uun buu bilaabmayaa”.

Xulka qaranka Romania ayaa layaab ka dhigaya koobka qaramada Yurub ee EURO 2024.

Waxa ay ku soo baxeen kaalinta koowaad ee Group E si ay u xaqiijiyaan booskooda bugbaxa tartanka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2000.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Romania vs Netherlands.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 02 July 2024.

Saacadda: 07:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Arena.

Garsooraha ciyaarta: Felix Zwayer (Germany).

Wararka labada kooxood:-

Romania waxaa ka maqnaan doona daafacooda bidix ee Nicusor Bancu, kaasoo ganaax ku seegi doona kulankan, kaddib casaankii la siiyey.

Xulka Netherlands ma qabaan wax walaac ah oo ku saabsan dhaawac ama ganaax ah, iyadoo Joshua Zirkzee la heli karo kulankan kaddib xanuun yar oo uu la maqnaa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kani waxa uu noqon doonaa kaliya kulankii labaad ee abid tartan weyn sida koob Adduun ama UERO ku dhexmara xulalka Romania iyo Netherlands, waxaana kulankii hore oo ka tirsanaa wareegga guruubyada EURO 2008 2-0 ku adkaaday xulka lagu naynaaso Orange.

-> Romania ayaa badisay kaliya hal kulan 14-kii kulan oo ay la ciyaartay Netherlands tartamada oo dhan (3 barbaro iyo 10 guuldarro), waxaana laga badiyay afartii kulan ee ugu dambeysay oo xiriir ah tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen isreeb-reebka Koobka Qaramada Yurub bishii October ee 2007. Xulka lagu naanayso The Tricolorii ayaa dhaliyay saddex gool oo kaliya 14-kaas kulan, halka laga dhaliyay 29 gool.

-> Xulka Romania ayaa gaaray heerka bugbaxa ama knockout-ka tartan wayn koobka adduunka ama Euro markoodii ugu horreysay tan iyo EURO 2000, markaasoo uu xulka Italy ku reebay siddeed dhammaadka.

>- Xulka lagu naynaaso The Tricolorii ayaa ka soo gudbay hal jeer heerka bugbaxa ee tartan weyn, waana markii ay wareegga 16-ka koobkii adduunka 1994-kii 3-2 ku garaaceen Argentina.

-> Netherlands ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Romania tartammada oo dhan.

-> Netherlands ayaa guuldarraysatay mid kasta oo ka mid ah saddexdoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay heerka bugbaxa koobka qaramada Yurub, waxaana ay guuldarro 1-2 ah kala kulmeen Portugal afar dhammaadkii 2004, Russia 1-3 siddeed dhammaadkii 2008 iyo Czech Republic 0-2 wareeggii 16-ka 2020, waxaana ay caawa noqon karaan kaliya xulkii labaad ee guuldarreysta afar kulan oo xiriir ah oo ay ciyaareen heerka bugbaxa taariikhda tartankan kaddib Yugoslavia oo afar isxiga guuldarro la kulantay tartankan intii u dhexeysay 1968 ilaa 2000.

-> Kulankani waxa uu noqon doonaa kulankii 20-aad ee xulka Romania ay ku ciyaaraan tartanka qaramada Yurub, taasoo ka dhigaysa kooxdii 16-aad ee gaarta tiradaas. Waxa ay badiyeen kaliya labo 19-kii kulan ee ay ciyaareen ilaa maanta (6 barbaro iyo 12 guuldarro); waa guulihii ugu yaraa ee uu qaran gaaro 20-kii kulan ee ugu horreeyay tartanka waxa ay ahayd afar guulood oo ay gaareen xulka Switzerland.

-> Xulka Netherlands ayaa dhaliyay ugu yaraan saddex gool saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen Romania tartamada oo dhan.

-> Dalka Holland ayaa badiyay afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen dhiggooda Romania tartamada oo dhan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button