Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Spain vs Germany –Xulkee gaari doona afar dhammaadka?

Xulka qaranka Spain ayaa Stuttgart kula ciyaaraya caawa dalka marti-gelinaya tartanka Euro 2024 ee Germany, kulan qeyb ka ah siddeed dhammaadka koobka qarammada Yurub.

Dal waliba Spain iyo Germany waxa uu doonayaa inuu sanadkan ku guuleysto koobkiisii afaraad ee qaramada Yurub, maadaama min saddex jeer oo hore uu xul waliba sare ku qaaday koobkan.

Labadaan xul ayaa midkii adkaada waxa uu afar dhammaadka ama Semifinal-ka tartankan ku wajihi doonaa dalkii soo adkaada Portugal iyo France.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Spain vs Germany.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 05 July 2024.

Saacadda: 07:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: MHPArena.

Garsooraha ciyaarta: Anthony Taylor (England).

Wararka labada kooxood:-

Xulka Spain ayaa la filayaa inaysan waxba ka beddelin shaxdii safka hore ee ay ku soo bilaabeen kulankii u dambeeyey.

Haddii ay kaarka digniinta ah qaataan kulankan, waxaa xulka Spain kulanka soo aaddan ka maqnaan doona haddii ay soo gudbaan xiddigaha kala ah Carvajal, Le Normand, Morata iyo Vivian.

Nico Schlotterbeck ayaa laga yaabaa inuu booskiisa ka sii haysto Jonathan Tah, kaddib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa oo uu soo bandhigay kulankii Denmark.

Florian Wirtz ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto shaxda koowaad kaddib markii Leroy Sane uu ku guuldarreystay inuu wacdaro ka dhigo Sabtidii.

Haddii ay kaarka digniinta ah qaataan kulankan, waxaa xulka Germany kulanka soo aaddan ka maqnaan doona haddii ay soo gudbaan xiddigaha kala ah Andrich, Mittelstädt iyo Rüdiger.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kani waxa uu noqon doonaa kulankii afaraad ee xulalka Spain iyo Germany ku dhexmara koobka qaramada Yurub, xulka Spain ayaa labo jeer guuleysatay oo kala ahaa 1984 iyo 2008, halka Germany uu hal kulan badiyey sanadkii 1988.

-> Kulankii ugu dambeeyey ee labadaan dal dhexmara waxa uu ahaa final-kii 2008, markaasoo xulka Spain ay ku adkaadeen 1-0 ay uga mahacelinayaan Fernando Torres.

-> Kani waa kulankii ugu horreeyey ee dhexmara xulalka Spain iyo Germany tan iyo koobkii Adduunka ee 2022, markaasoo ay barbaro 1-1 ah ku gareen heerka guruubyada, Spain ayaa guuldarro la’aan ah (Unbeaten) afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajaheen xulka Germany, waxaana ay ka haystaan 2 guul iyo 2 barbaro, iyadoo kulamadaas laga dhaliyey kaliya lix gool (Spain 4, Germany 2).

-> Kaddib markii laga badiyay kulankii ugu horreeyay ee Spain oo ay ku soo dhoweeyeen ciidda Jarmalka ciyaar saaxiibtinimo oo ku dhammaatay 2-1 sanadkii 1935, Germany ayaan wax guuldarro ah la kulmin siddeedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay La Roja ku wajahaan gurigooda, waxaana ay ka haystaan 5 guul iyo 3 barbaro.

-> Ma jiro dal isagoo marti-gelinaya tartankan abid lagu reebay heerka siddeed dhammaadka koobka qarammada Yurub, iyadoo dhammaan afartii kooxood ee hore ee tartankan marti galiyay ay u soo baxeen: England ayaa rigoorayaal kaga soo baxay Spain 1996, Netherlands ayaa 6-1 ku garaacday Yugoslavia 2000, Portugal ayaa rigooreyaal ku garaacay England 2004, halka France ay 5-2 kaga badiyeen Iceland 2016-kii.

-> Kani waxa uu noqon doonaa siddeed dhammaadkii 19-aad ee xulka Germany uu ciyaaro koobka Adduunka (14) iyo Koobka qarammada Yurub (5), waana in ka badan qaran kasta oo Yurub ah labadaan tartan ee waa weyn, waxayna Jarmalku ka soo baxeen siddeed dhammaadka 15-ka mid ah 18-kii hore oo ay ku jiraan dhammaan afarta EURO ee 1996, 2008, 2012 iyo 2016.

-> Xulka Germany ayaa dhaliyay 10 gool afartii kulan ee ay ciyaareen EURO 2024, taasoo la micno ah inay la sinteen goolashii ugu badnaa ee ay hal koob oo qaramada Yurub ah ka dhaliyaan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button