WARARKA MAANTA

Horudhac: Netherlands & Turkey wareegga sideed dhammaadka Euro 2024..?

Tababaraha xulka Netherlands Ronald Koeman ayaa sheegay in xakameynta taageerayaasha aadka u kacsan ee Turkiga ay fure u noqon doonto guushooda wareegga sideed dhammaadka Euro 2024.

Dhanka kale Tababaraha Turkiga Vincenzo Montella ayaa sheegay in ciyaartoydiisu ay ka faa’iidaysan doonaan awooda taageerayaashooda qurba-joogta ah ee soo buux-dhaafiyo garoonka marka ay ciyaarayaan dalkooda Turkiga.

Haddii Turkiga uu ka adkaado Netherland waxay noqon doontaa markii saddexaad ay gaaraan semi-finalka tartamada waaweyn markii ugu horreysay tan iyo 2008-dii.

Wararka labada xul:

Turkiga waxaa ka maqnaan doona Merih Demiral kaddib markii laga ganaaxay labo ciyaarood markii uu salaan siyaadsadeesan uu sameeyay intii lagu guda jiray guushii ay ka gaareen Austria wareegga 16-ka.

Khadka dhexe Orkun Kokcu iyo Ismail Yuksek ayaa sidoo kale ganaax ku seegi doono, laakiin Hakan Calhanoglu iyo Samet Akaydin ayaa ka soo laabtay ganaaxyo waxayna diyaar u yihiin iney ciyaaraan kulanka caawa.

Dhanka kale xulka Netherlands wax dhaawac ah ama ganaax ah ma qabaan, inkastoo Donyell Malen laga yaabo in lagu soo bilaabo kulankan, kaddib markii uu labo gool dhalliyay kulankii ay 3-0 kaga adkaadeen xulka Romania wareegga 16-ka.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Labadii kulan ee lasoo dhaafay ee Netherlands iyo Turkey ayaa wadar ahaan la iska dhaliyay 13 gool Turkiga ayaa 4-2 ku adkaaday  bishii Maarso sanadkii 2021 halka Netherlands ay 6-1 ku garaacday bishii Sebtember 2021, labaduba waxay u soo baxeen Koobka Adduunka sanadkii 2022.

Netherland ayaa ka soo gudubtay shan ka mid ah todobadii jeer ee ugu dambeeyay ee wareegga 8 dhammaadka tartamada (Koobka Adduunka/Euro), inkastoo mid ka mid ah labada jeer ee laga reebay uu ahaa kii ugu dambeeyay, waxaana rigoorayaal ku reebay xulka Argentina koobkii Adduunka 2022.

Turkiga ayaa markii afraad u soo baxay wareegga 8-da ee tartamada waaweyn, kaddib Euro 2000, Koobkii Adduunka 2002, iyo Euro 2008, waxay gaareen semi-finalka laba jeer koobkii adduunka 2002 iyo Euro 2008, iyagoo ku guuldareystay kaliya Euro 2000, iney u soo gudbaan wareegga afar dhammaadka kaddib markii ay  2-0 ay ku garaacday Portugal.

Xiddigaha Turkiga ayaa la siiyay 18 jaale Euro 2024, taariikhda tartanka qaramada Yurub, kaliya Czech Republic ayaa la siiyay sanadkii 1996 kaarar badan Turkiga hal dhacdo (19 jaale, hal casaan) waxay qaateen ugu yaraan laba kaar mid kasta oo ka mid ah 24-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada waaweyn.

Guud ahaan marka la iskudaro koobkii Adduunka sanadkii 2022 iyo Euro 2024, Cody Gakpo ayaa dhalliyay 6 gool kaliya waxaa ka badan Kylian Mbappe oo dhalliyay 9 gool dhammaan lixda gool uu dhalliyay Gakpo waxay ku yimaadeen kulamo kala duwan.

Safka ku soo bilaaban karo Netherlands

Verbruggen; Dumfries, De Vrij, Van Dijk, Ake; Schouten, Reijnders; Malen, Simons, Gakpo; Depay

Safka ku soo bilaaban karo Turkey

Gunok; Muldur, Demiral, Bardakci, Kadioglu; Ayhan, Yokuslu; Yildiz, Calhanoglu, Yilmaz; Guler

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Netherland vs Turkey,

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 06 July 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  (Olympiastadion).

Garsooraha ciyaarta: Clement Turpin (France)

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button