Horudhac: Netherland& England wargga 4-dhammaadka Euro 2024..?
England oo u soo baxday semi-finalka Euro markii labaad oo xiriir ah, ayaa caawa wajihi doonta xulka Netherland.
Guushii ay ka soo gaareen xulka Switzerland ee wareegga 8-da ayaa keentay iney u soo baxaan wareegga afar-dhammaadka inkastoo ay rigoorayaal ay ku adkaadeen, tababare Gareth Southgate xulkiisa ayaa muujiyay adkaysi, kaddib sanadkii labaad oo xiriir ah ay soo gaaraan afar-dhammaadka Euro 2024.
Wararka labada xul:
Waxaa shaki ku jiro taam ahaanshiyaha kabtan Harry Kane inkastoo dhaawac daran uusan qabin waxaana macquul ah inuu ku soo bilowdo kulanka caawa.
England waxaa ka maqnaa daafaca dhexe Marc Guehi kulankii Switzerland kaas oo ganaax ku seegay, Guehi waxa uu qabtay shaqo fiican waxana lagu doodi karaa in uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Southgate illaa haatan, sidoo kale waxaa waxqabad muuqda soo bandhigay Ezri Konsa oo booskiisa ciyaaray kulankii wareegga 8-da ee Switzerland.
Waxqabadka Konsa wuxuu ahaa mid cajiib ah, ayuu yiri khabiirka BBC iyo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England Danny Murphy.
Ciyaaryahanka Manchester City Foden ayaa ka ciyaarayay dhanka bidix intii lagu jiray tartankan, halkii uu caawin khadka dhexe iyadoo loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiican Premier League xilli ciyaareedka 2023-24.
Tababare Southgate ayaa laga yaabaa inuu wax ka beddelo afarta dambe ee daafaca kulanka Netherland isagoo ciyaarayo shax ah 4-2-3-1 si uu u yareeyo khatarta weerarka Cody Gakpo, Memphis Depay iyo Xavi Simons.
Dhanka kale Netherland waxay haystaan saf-dhammaystiran waxaana macalin Ronald Koeman oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xilka sii hayn doono illaa 2026 ayaa rajo weyn ka qabaa in xulkiisa uu la qaado Euro 2024.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:
> Kani waa markii afaraad oo ay Xulalka England iyo Netherlands isku arkaan tartan weyn, xulka Oranje ayaa 3-1 ku adkaaday EURO 1988, waxaana kulankaas saddexleey u dhaliyey Marco van Basten, waxaa xigay kulan barbaro goolal la’aan ah ku dhammaaday koobkii Adduunka ee 1990-kii iyo 4-1 oo ay ku adkaadeen xulka England tartankii EURO 1996.
-> Xulka England ayaa guuleystay kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaareen Netherlands tartammada oo dhan, waxaana ay kala kulmeen 4 barbaro iyo 4 guuldarro, guusha kaliya oo ay gaareen waa kulan saaxiibtinnimo oo ka dhacay Amsterdam bishii Maarso 2018 oo ay ku adkaadeen 1-0.
-> Memphis Depay oo sameeyey 17 shuut oo abuuray 10 fursadood iyo Cody Gakpo oo tuuray 13 shuut, isla markaana sameeyey 11 fursadood ayaa ka dhigan in Netherlands uu yahay xulka kaliya oo labo ciyaaryahan ay u sameeyeen 10 shuut wax ka badan iyo 10 caawin wax ka badan. mid ama labadaba Depay ama Gakpo ayaa si toos ah ugu lug lahaa 47 ka mid ah 74 shuut oo ay Euro-gaan tuureen xulka Netherlands.
-> Xulka England ayaa aaday waqtigii dheeriga ah (extra-time) labadii ciyaarood ee heerka bugbaxa oo ay ciyaareen ilaa iyo hadda Euro 2024. Kaliya Portugal ee Euro 2016, Spain Euro 2020 iyo Italy ee Euro 2020 ayaa waligood aaday waqti dheeri ah saddex jeer hal koob oo heerka knockout-ka tartanka koobka qaramada Yurub.
-> Xulka Netherlands ayaa guuleystay labo kulan oo kala duwan iyagoo la dhaliyey goolka koowaad tartanka Euro 2024, waxa ay 2-1 ku gaareen Poland heerka guruubyada, halka Turkiga ay natiijadaas oo kala kaga adkaadeen siddeed dhammaadkii tartankan.
Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Netherland:
Verbruggen; Dumfries, De Vrij, Van Dijk, Ake; Schouten, Reijnders; Malen, Simons, Gakpo; Bixinta
Safka macquulka ah ee ee ku soo bilaaban karo England:
Pickford; Walker, Stones, Guehi; Saka, Mainoo, Rice, Trippier; Bellingham, Foden; Kane
Ogeysiiska ciyaarta:-
Kulanka: Xulalka Netherlandvs England
Tartanka: EURO 2024.
Taariikhda: 10 July 2024.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: (Signal Iduna Park).
Garsooraha ciyaarta: Felix Zwayer (Germany)
Astaan Sports.