WARARKA MAANTA

Horudhac: Spain & England fiinaalka Euro 2024..?

Waxaa caawa la soo gabagabeen doonaa tartanka Euro 2024 kaas oo soo bilowday 14-kii June waxaa isugu soo haray fiinaalka tartanka labada xul ee kala ah Spain iyo England waana labada xul ee loo sadaalinayo iney ku guuleysan karaan koobkan.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay ee laga qoray labada xul:

Wararka labada Xul:

Daafaca bidix ee Manchester United Shaw ayaan ku soo bilaaban karo kulan tartan wayn ah tan iyo 18-kii Febraayo sababtoo ah wuxuu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah waxaa laga yaabaa in uu bedelo Kieran Trippier, kaasoo dhaawac ku dhammaystay kulankii Netherlands.

Weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins, oo beddel ku soo galay kulankii ay guusha ka gaareen xulka Netherlands, uma badna inuu ku soo bilowan doono kulanka caawa, waxaana doorasha koowaad ee weerarka loo xulan doonaa Harry Kane inkastoo kabtanka England uu ku dhibtoonayay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed heer sare ah.

Dhanka kale xulka waxaa dhaawac fudud qabo weeraryahankooda Alvaro Morata, kaasoo dhaawac soo gaaray kulankii France laakiin wuxuu si caadi ah u qaatay tababarka xulka Spain waxaana la filayaa inuu hoggaamiyo weerarka.

Dani Carvajal iyo Robin Le Normand oo ganaax ku seegay kulankii semi-finalka ayaa diyaar u ah xulka Spain, Le Normand ayaa ku seegay kulankii afar dhammaadka labo jaale  halka Carvajal laga saaray waqtigii dheeriga ahaa kulankii Germany wareegga sideed dhammaadka Euro 2024.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:

27-kulan ayay horay u ciyaareen labadan xul, 13 kulan waxaa adkaaday xulka England, halka 10 kulan uu guuleystay xulka Spain, waxaana ay barbaro galeen kaliya 4 kulan, kulankoodan final-ka caawa ayaana noqon doona midkoodii 28-aad oo ay kulmaan.

Tababaraha xulka Engladn Southgate ayaa isticmaalay kaliya 14 ciyaartoy oo kala duwan lixdii kulan ee Euro 2024, waxaa xusid muddan afarta ciyaartoy ee kala ah goolhayaha Evertoon Pickford, daafacyada Manchester City Stones iyo Walker, iyo khadka dhexe ee Arsenal Rice ay yihiin afarta ciyaartoy kaliya ee ciyaaray daqiiqad kasta Euro 2024.

Spain ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay England tartammada oo dhan.

Yaa ku guuleysan doono Abaalmarinta kabaha dahabka ah ee la guddoonsiiyo gooldhaliyaha ugu sarreeyo tartanka.?

Kabtanka England Kane iyo weeraryahanka Spain Dani Olmo ayaa ah labada ciyaaryahan ee fursada u haysto iney ku guuleystaan kabaha dahab waxay wada dhalliyeen min saddex gool sidoo kale waxaa la wadaago  Cody Gakpo (Holland), Ivan Schranz (Slovakia), Jamal Musiala (Jarmalka) iyo Georges Mikautadze (Georgia).

Haddii midkood uusan gool dhallin abaalmarinta kabaha dahabka waxaa wada qaybsan doono dhammaan xiddigaha dhalliyay saddexley ee ka qaybgalay Euro 2024.

Safka macquulka ah ee ku soo bilaaban karo Spain:

Simon; Carvajal, Le Normand, Laporte, Cucurella; Ruiz, Rodri, Olmo; Yamal, Morata, Williams

Safka macquulka ah ee ee ku soo bilaaban karo England:

Pickford; Walker, Stones, Guehi; Saka, Mainoo, Rice, Shaw; Bellingham, Foden; Kane

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Spain vs England

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 14 July 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  (Olympiastadion).

Garsooraha ciyaarta: Francois Letexier (France)

Astaan Sports.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button