UncategorizedWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada Daarusalaam oo guul ku furatay tartanka degmooyinka 2024.

Degmada Daarusalaam ayaa guul ku furatay tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir 2024, kaddib markii ay guul ka gaareen degmada Warta-nabadda ciyaar ka dhacday garoonka kubbadda cagta Eng Yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Qaybtii koowaad ee kulanka waxay labada dhinac soo bandhigeen ciyaar qurux badan waxaana lagu kala nastay 0-0 inkastoo ay jireen fursado ay abuureen labada degmo intaan la aadin qaybta nasashada.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka ayay heleen degmada Daarusalaam gool-kulaad uu gool u beddelay ciyaaryahanka lambarka 16-aad Khadar Cabdi Mataan daqiiqadii 70-aad  kaasoo dhalliyay goolkii ugu horreeyay tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2024 ee ka soconayo magaalada Muqdisho.

Dhammaadkii qaybtii labaad ayay heleen goolkii labaad ee ciyaarta degmada Daarusalaam waxaana gool qurux badan u dhalliyay ciyaaryahanka lambarka 11-aad Cabdullaahi Ibraahim Aadan oo beddel ku soo galay ciyaarta, natiijada kulanka ayaa ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay degmada Daarusalaam.

Degmooyinka Daarusalaam iyo Warta-nabadda ayaa markii  ugu horreysay ku kulmay tartanka degmooyinka waxaana adkaatay dagmada Daaru-salaam.

Daaru-salaam ayaa gaartay guushii ugu horreysay tartanka degmooyinka tan iyo markii ay ku soo biireen ka qaybgalka tartanka degmooyinka sannadkii 2021ka.

Macalin Cawil Xirsi macalinka degmada Daarusalaan ayaa gaaray guushiisa ugu horreysay tartanka degmooyinka isagoo sanadkan macalin koowaad ah horey wuxuu soo hoggaamiyay degmada waaberi isagoo ahaa caawiye macalin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button