Horudhaca kulamada maaanta: tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka banaadir & Balcad
Kulanka koowaad waxaa maanta wada ciyaari doono degmooyinka ku wada jiro Guruubka A ee kala ah
Heliwaa π Xamar Weyne halka ciyaarta labaad ee dhexmari doonto degmooyinka Yaaqshiid π Kaxda oo ku wada jiro Guruubka C.
Aan ku horreeno kulanka u dhexeeyo degmooyinka Heliwaa π Xamar Weyne.
>-Waa kulanka labaad oo ay wada kulmi doonaan labadan degmo tan iyo 2018 Horey waxay u soo wada ciyaareen 27-August 6-sano ka hor sanadkii 2018 waxaana 2-1 Ku adkaatay degmada X/wayne
>-Degmada X/wayne kulankeeda koobaad waxay 2-1 kaga soo adkaatay degmada Howlwadaag halka Heliwaa ay barbaro goolal laβaan ah ay la soo gashay degmada Gubadley oo tartanka difaacaneyso.
>-Degmada X/wayne ayaa 2-gool sanadkan tartanka degmooyinka ka dhallisay hal gool ayaa laga dhaliyey halka heliwaa weli aysan wax gool ka dhalin tartanka degmooyinka 2024.
>-Maclin Ibraahim Jamadaar ayaa gaaray guul kulankiisa ugu horreeyey tartanka degmooyinka halka macalin Jumbar oo barbaro helay kulankiisa koobaad ee Heliwa sanadkan
>-Jaabir ayaa ah ciyaarayahanka ugu goolasha badan degmada X/wayne hal kulan ayuu dhalliyay labo gool.
Dhanka kale ciyaarta labaad ayaa dhexmari doonto Yaaqshiid π Kaxda.
>-Waa kulankoodii labaad oo ay tartanka degmooyinka isku arkaan tan iyo 2018 Horey waxay u soo wada ciyaareen 31-August 2018, waxaana 1-0 ku adkaatay Degmada Yaaqshiid
>-Yaaqshiid Sanadkan kulankooda koowaad waxay barbaro 2-2 la galeen degmada Deyniile halka Kaxda ay guuldarro 1-0 kala kulantay Degmada Wadajir kulankooda koowaad tartanka degmooyinka.
>-Yaaqshiid labadii tartan ee ugu dambeysay tartanka kubbadda cagta degmooyinka waxay gaareen wareegga afar dhammaadka halka degmada heliwaa ay ku hartay heerka guruubyada.
>- Degmada Kaxda wax gool ah sanadkan tartanka dagmooyinka kama aysan dhalinin halka yaaqshiid 2-gool ay dhalliyeen kulankooda koowaad inkastoo ay barbaro galeen.
>-Macalin Cabaas oo horey u soo maamulay Degmooyinka C/casiis iyo Dharkenley labadii tartan ee la soo dhaafay ayaa sanadkan yaaqshiid wata waana macalin nasiib badan marka la eego macalimiinta kale.