UncategorizedWARARKA MAANTA

Horudhaca kulanka dhexeeyo degmooyinka Dharkenley & Warta-nabadda

Degmooyinka Dharkenley iyo Warta-nabadda ayaa galabta wada ciyaari doono kulan ka tirsan waregga siddeed dhammaadka tartanka kubbadda cagta degmooyinka & degmada Balcad.

>-Degmooyinka Dharkenley iyo Warta-nabadda ayaa ku kulmi doono markii saddexaad tartanka kubbadda cagta degmooyinka waxay horey u kulmeyn fiinaalkii 2021kii waxaana rigoorayaal ku qaaday Dharkenley laakiin waxay mar kale ku kulmeyn heerkan oo kale waxaana 1-0 ku adkaatay Warta-nabadda

>-Dharkenley waa degmada kaliya ee dhammaan soo adkaatay afartii kulan ay soo ciyaartay heerka Guruubka waxayna ku soo baxday kaalinta koowaad ee Guruubka D

>-Macalinka Degmada Dharkenley Govinda waa macalinka kaliya aan laga adkaanin tan iyo 2021kii tartanka degmooyinka wuxuu sanadkii hore u qaaday koobka isagoo aan laga adkaanin degmada Gubadaley

>-Degmada Dharkenley shantii tartan ee ugu dambeysay tartanka degmooyinka waxay qaadeen labo jeer sanadihii 2019 iyo 2021kii  sanadkii 2020kii  waxay ku hareen wareegga afar dhammaadka halka sanadkii hore ay wareegga sideed dhammaadka ku hareen kaliya sanadkii 2018kii ay ku hareen wareegga Group Stage-ka


>-Degmada Warta-nabadda ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday Guruubka B waxay adkaadeen labo kulan hal kulan waa laga soo adkaaday waxay barbaro galeen hal kulan ciyaarihii ay soo ciyaareen heerka Guruubka tartanka degmooyinka sanadkan

>-Degmada Warta-nabadda waa degmada laga qaaday tartanka degmooyinka sanadkii hore waxayna noqon doontaa haddii galabta ay ka adkaadaan Dharkenley in sanadkii labaad oo xiriir ay u gudbaan afar dhammaadka tartanka degmooyinka.

 >-Degmada Warta-nabadda kuma harin wareegga siddeed dhammaadka tartanka degmooyinka tan iyo sanadkii 2020kii

>-Degmada Warta-nabadda shantii jeer ee ugu dambeysay tartanka degmooyinka waxaa laga qaaday sanadihii 2023 iyo 2021, waxay wareegan oo kale ay ku hareen sanadihii 2019kii iyo 2020kii halka 2018kii ay ku hareen wareegga heerka Group Stage-ka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button