Xiriirka Kubadda Cagta ee England oo ka hadlay mustaqbalka tababare Gareth Southgate
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa lagu soo waramayaa inuu kalsooni ku qabaan in tababaraha England Gareth Southgate uusan jabin doonin qandaraaskiisa haddii loo ogolaado inuu tababare u noqdo Manchester United dhamaadka xilli ciyaareedkan.
United ayaa haatan waxaa si KMG u maamulaayo Ole Gunnar Solskjaer, weeraryahankii hore ee kooxda ayaa hadda waxa ay yihiin guulihiisa 100% tan iyo markii uu Mourinho uu shaqada ka bedelay.
Red Devils ayaa la rajeynayaa inay magacaawdo tababar waqti dheer ah xilli ciyaareedka, si kastaba ha ahaatee, Southgate ayaa lala xiriiriyay booska todobaadkan.
Southgate, oo England geeyay semi-finalka Koobka Adduunka 2018, ayaa qandaraas la galay FA-ga ku eg ilaa 2022-,ka dib Koobka Adduunka.
Sida laga soo xigtay jariidada Daily Mail, ‘madaxda sare ee xiriirka kubada cagta’ ayaan ka walwalsaneyn warbixinta United, iyadoo dadka intooda badan dareensan yihiin in Southgate uusan dib ugu celin doonin xulka qaranka.
48-sano jirkaan qibrad ahaan hore heerkiisa kooxeed soo maamulaykooxda Middlesbrough intii u dhaxeysay 2006 iyo 2009.