Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Bonucci oo ku soo laabtay tababarka Juventus ka hor kulanka Atletico Madrid

Siddeed maalmo ka hor safarkooda Champions League ee Atletico Madrid, Juventus ayaa dib u heshay Leonardo Bonucci oo shalay ku soo laabtay tababarka.

Leonardo Bonucci ayaa ku soo laabtay tababarka Juventus ka dib labo todobaad oo uu ku maqnaa dhaawac canqowga ah, sida ay xaqiijisay  kooxda heysata horyaalka Serie A.

Daafacan dhexe ayaa la bedelay qeybtii hore ee kulankii Juve ay 2-1 kaga badisay Lazio 27kii Janaayo ka dib markii uu dhaawac soo gaaray.

Warbixinta ay  soo bandhigeen waaxda caafimaadka ee  Juve ayaa lagu sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray canqawga midig, halka wararku ay sheegayaan inuu daaweynayay ilaa hal bil.

Taasoo shaki ku jiraa inuu wajahayo Atletico Madrid kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee 20kii Febraayo.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu awoodi waayay inuu ka qeyb qaato tababarka kooxda Juve ee talaadada , isagoo soo jeediyay inuu weli ku guuleysan karo tartanka loogu jiro  safarka Madrid.

Juventus ayaa Frosinone ku qaadaneysa qaliinka jimcaha ,ayadoo qaliinka ka caawinayso in uu si  dhaqso ah u heleen  Bonucci.

Laakiin sadaalinta la helaayo waxa ay sheegayaan in 31 jirkaan uu ku soo laaban doono kulanka Juve ee booqanayso  Wigan Metropolitano.

Cristiano Ronaldo, Giorgio Chiellini iyo Douglas Costa ayaa dhamaantood “tababarka shakhsiga ah qaatay ” ,waxa ay dhamaantoot diyaar u yihiin kulankaa.

Bonucci ayaa 24 kulan u saftay Juventus xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button