HORYAALADAPremier LeagueS.KALA IIBSIGASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Leicester oo  u magacawday macalinkeeda  cusub tababarihii hore ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers

Brendan Rodgers ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee Leicester,sida ay ku dhawaaqday  kooxda dabacooyinka goor dhow.

46 jirkaan ayaa saxiixay heshiis ilaa June 2022 ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda  Celtic.

Rodgers ayaa bedelaya Claude Puel ka dib markii la ceyriyay tababaraha Faransiiska Axadii ,ayadoo kooxda uu ku hogaamiyay kaalinta 12aad ee Premier League.

Rodgers, oo joogay garoonka King Power Stadium si uu u daawado kooxdiisa cusub ee Premier League kulankii Brighton habeenkii talaadada, ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo oo aan noqdo macalinka kooxda Leicester City, “Wadajir ahaan, waxaan noqon doonaa mid xoogan waxaanan rajeynayaa inaan la shaqeyno ciyaartoyda, shaqaalaha iyo taageerayaasha si ay talaabo sax ah u qaadaan.”

 

Guddoomiye ku xigeenka Leicester Aiyawatt Srivaddhanaprabha ayaa yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in uu Brendan noqdo tababaraha Leicester City, waxaana rajeynayaa in uu arko muhiimadda ay leeyhiin , ciyaartoydeena da ‘yarta ah.

Leicester ayaa sidoo kale xaqiijisay magacaabista Chris Davies oo noqonaayo kaaliyaha tababaraha,

Rodgers, ayaa kulankii ugu horeesay  uu hogaamin doono kooxda  Foxes wuxuu wajahaya kooxda  Watford axada, iyadoo macalin Mike Stowell uu ku soo bilaaban doono kulanka uu ka dhacayo Brighton, sedex sano uu joogay  Celtic ka dib wuxu ku guuleestay 7 koob.

Waxa uu ku guuleystay koobabkii Scottish Premiership  sannadka 2017 iyo 2018, sidoo kale wuxuu ku guuleystay Scottish Cup laba jeer iyo Betfred Cup saddex jeer.

Waxa uu ka tagayaa kooxda reer Glasgow oo 8 dhibcood  nadiif ah oo ka sareysa kooxda ay xafiiltamaan ee Rangers.

wuxuu ku soo laabtay  England markii ugu horeysay tan iyo markii ay ceyriyeen Liverpool sannadkii 2015.

Wuxuu Reds ku hogaamiyay kaalinta labaad  sannadka 2014, isagoo shan dhibcood hogaanka ku haya iyadoo seddex kulan uu harsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Rodgers ayaa sidoo kale soo maamulay Watford, Reading iyo Swansea, isagoo Swansea u qaaday horyaalka  sannadkii 2011.

Puel ayaa la ceyriyay ka dib todobo kulan oo guul darro ah, soo gaartay sidoo kale waxaa laga reebay  FA Cup-

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button