Manchester United oo soo gabagabeyneysa go’aanka David De Gea
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay siisay David de Gea hal toddobaad oo kale in uu go’aan kagaaro mustaqbalkiisa kooxda.
De Gea ayaa wadahadalo qandaraas kordhin ah la galay United muddo bilooyin ah, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga soo aadan ka dib markii Red Devils ay keentay muddo kordhin 12 bilood ah.
United ayaa weli ku rajo weyn inay heyso goolhayaha, lakiin ilaa iyo haatan waxa ay diiday inay bixiyaan dalabaadiisa ah in la siiyo mushaarka Alexis Sanchez oo ah £ 500,000-toddobaadkii.
De Gea ayaa ka warqabay qiimaha uu ku leeyahay naadiga, waxaana uu doonayaa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaharka badan, isagoo United hishiiska uu kula jiro uu dhacaayo sannadka 2020.
Metro ayaa warineysa in 20-jeer kooxda heysata horyaalka Ingariiska ay haatan u soo bandhigtay dhamaadka isbuuca soo aadan ee De Gea si ay go’aan uga gaaaraan mustaqbalkiisa kooxda ka hor inta uusan xilli ciyaareedka dhameysan.
Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, waxaana laga yaabaa inay tijaabiso United oo ku aadan dalab weyn oo lacag ah xagaagan.