Real Madrid oo xaqiijisay saxiixa laacibkii hore ee kooxda Chelsea Eden Hazard.
Real Madrid ayaa xaqiijisay in heshiis shan sano ah ka saxiixatay laacibkeeda cusub ee Eden Hazard.
28 jirkaan ayaa si rasmi ah loo shaacin doonaa ku biiristiisa Real Khamiista, June 13, ka dib markii uu maro tijaabada caafimaadka.,ayadoo halkaasi ay sidoo kale goob joog u noqon doonaa saxaafada.
Madrid ayaa la fahamsan yahay inay heshiis la gaartay Chelsea oo ugu udhaqaaqeyso saxiixa rikoorka suuqa kala iibsiga ayadoo ogolaatay in ay bixiso dhamaan lacagaha lagu burburin karo saxiixa laacibkaan oo ah 130 milyan ginni,iyo lacago kale oo ku xeran bandhiga laacibkaan.
👉 #WelcomeHazard pic.twitter.com/6CvH9LHXSy
— Real Madrid C.F.⚽ (@realmadrid) June 7, 2019
Real Madrid CF iyo Chelsea FC ayaa isku raacay saxiixa ciyaaryahanka Eden Hazard “
“Ciyaaryahanka ayaa muddo lala xiririnaayay kooxda Real hishiiska uu saxiixi doono wuu dhici doonaa 30ka Juun 2024.
“Eden Hazard waxaa loo soo bandhigi doonaa khamiista asiga oo ah laacib Juun 13-deeda garoonka Santiago Bernabeu, ka dib markii uu maray tijaabada caafimaadka.”
Hazard ayaa noqonaya ciyaaryahankii labaad ee Madrid ku soo biiray ka dib markii uu Luka Jovic ku soo biiray Frankfurt, xagaagaan Zinedine Zidane tan iyo markii uu ku soo laabtay shaqada Bernabeu.
Chelsea ayaa ka fiirsaneysa natiijada wadahadalada dheeriga ah ee Madrid ay ku gaari karto guulo, sida Real ay u diiday inay bixiso lacag ka badan £ 88million.
Qiimaha aasaasiga ah ee Hazard ayaa la filayaa inuu gaaro 100 milyan oo ginni, taasoo ah lacagta ay Chelsea ku dooneysay inkastoo 28 jirkaan uu ku jiro sannadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Stamford Bridge.
Hazard ayaa Chelsea kaga soo biiray Lille 2012kii, waxaana uu ku guuleystay labo horyaal oo Premier League, hal FA Cup iyo hal League Cup iyo labo Europa League.
Chelsea ayaa ku dhawaaqday bixitaanka Hazard iyagoo xaqiijiyay inuu baxayo, iyadoo Blues ay ku dhameysatay 352 kulan iyo 110 gool.
“Inkastoo ay ku jirto murugo waxaan ku dhawaaqeenaa Eden Hazard – waxaanan si cad u cadeeynay in kooxda ay ku riyaaqeen inuu joogayo – waxaan ixtiraameynaa go’aanka uu sameeyey si uu u qaato tartan cusub oo dal kale ah oo raacaya riyadiisa ah “ayuu yiri agaasimaha kooxda Marina Granovskaia.
“Waxa uu siiyay dhamaan ciyaartoyda daawaday Chelsea ciyaaraha madadaalada iyo qaar badan oo ciyaaraha ku guuleysta, iyo sida aan ugu mahadcelineyno Eden.
“Waxa uu ahaa xirfad maskaxeed inta uu joogo kooxda, shaqsi cajiib ah inuu heysto iyo farxad inuu la shaqeeyo.
“Waxaan rajeyneynaa inaan dib ugu soo celino Stamford Bridge mustaqbalka.”dhow ayaa lagu yiri qoraalka Chelsea.