SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliya oo xaflad dhiiri galin ah u sameeyay bahda Sports-ka,iyo Bilad sharaf la gudoonsiiyay Astaansports.
Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabudllahi Maxamed Fermaajo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Somaliya ku qaabilay ciyaaryahanada Xulka Somaliya ee guulo ka soo hooyay tartamo kala duwan ee ka dhacay dalka Dibadiisa.
kulankaan oo door muhiim ah ku lahayd wasaaradda dhalinyarada ciyaaraha Somaliya oo ay hoaaminayso Marwo qadiijo Maxamed Diiriye,ayaa ahaa kulan si weyn loogu dhiirigalinaayay ciyaaryahanada Xulka ciyaaraha fudud ee guulo waa weyn ka soo hooyo tartan orod ah oo ka dhacay dalka Jabuti.
kulankaan oo ay goob joog ahaayeen dhamaan bahweeynta ciyaaraha ayaa waa hadalo kala duwan laga dhageestay masuuliyiin uu ka midyahay gudoomiyaha xiririka Somaliyeed ee kubadda cagta ,iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ,waxa ay aad ugu hadleen hormarka ciyaaraha.
Wasiiradda dhalinyarada ciyaaraha Somaliya Marwo qadiijiyo Maxamed Diiriye oo dhankeeda goobta qudbad koobkan ka jeedisay ayaa sheegtay in ay sii laba jibaari doonto inta ay xafiiska joogo kor u qaadista hormarka ciyaaraha.
Madaxweynaha Somaliya oo kulguan soo xeray ayaa sheegay in Dowladda Somaliya aad ugu hambalyeenayso ciyaaryahanada guusha weyn soo hooyay ,asiga oona ku dhiirigaliyay in ay halkaa ka sii wadaan kor u qaadista calnka Somaliya.
Madaxweynaha ayaa Astaansports gudoonsiiyay bilad sharad ku saabsan howsha adag ee Sports-ka u hayaan iyo sidii ay mar walba ugu qayb qaataan soo gudbinta guulaha ay ku talaabsanayaan ciyaaraha Somaliya.
Waa markii ugu horeesay uu Madaxweynaha Somaliya xafiiskiisa ku qaabilo ciyaaryayahanadii xulka ciyaaraha fudud ee guulaha waa weyn ee iskugu jiro biladaha dahabka maarta iyo qalinka ka soo hooyay ciyaarihii orodka ee ka dhacay dalka Jabuuti.