DAAWO: Xulka kubadda cagta Ukraine oo ku guulaysatay Koobka Adduunka ee ciyaartoyda 20-ka sano ka yar
Ukraine ayaa ka soo kabsatay gool looga hormaray,ka dib markii South Korea ku garaaceen 3-1 islamarkaana ku guuleysatay koobka aduunka 20 jirada 2019.
Kulankan oo ka dhacay Lodz, Poland ayaa labo kulan oo isku xigta lagu ciyaaray finalka markii ugu horeysay taariikhdooda.
South Korea ayaa hogaanka u heysay ,ka dib markii uu Regoore u dhaliyay , Lee Kang.
Laakiin Vladyslav Supriaha ayaa dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta, halka wiilka Dynamo Kiev Heita Tsitaishvili uu goolka seddexaad u dhaliyay.
Korea ayaa ku dhowaatay in ay ciyaarto barbareeyso,xili ciyaarta ay maraysay 2-1, laakiin 20 jirka Lunin, oo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ku qaatay Leganes horyaalka La Liga, Lee Jae-ik ayaa si fantastik ah ee madax gool kale sedexaad u dhaliyay.
Ukraine – oo aan u soo bixin koobkaan tan iyo markii 2017 -da ayaa ku jirta Group A oo ay kula jiraan USA, Nigeria iyo Qatar, ka hor inta aysan Panama 4-1 ku garaacin wareegga 16- Colombia 1-0 quarter-finalka iyo Italy oo 1-0 ku jirta semis.
Erling Braut Haaland oo Norway ah ayaa ku guuleystay bilada dahabka isagoo leh sagaal gool, hal kulan ayuu ku dhaliyay 9,ciyaar Nowry – 12-ay kagabadiyeen xulka Honduras, kulankiisii ugu danbeeyay ee tartankan.
Xulka difaanaayay koobkaan ee Englnad oo ku guuldareestay in ay koobkaan finalka soo gaaraan.